Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saabsan arrimaha caafimaadka Xoolaha

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saabsan arrimaha caafimaadka Xoolaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay yeesheen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa  ee Xukuumadda Federalka.  Soomaaliya  Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Wasiirka Beeraha Itoobiya Mudane Cumar Xuseen, laguna qabtay magaalada Addis Ababa taariikhdu markeey ahayd 28 Maarso 2019-ka ayaa lagu kala saxiixday heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan  iskaashiga iyo ka wada shaqeeynta arrimaha caafimaadka xoolaha, Suuqgeeynta iyo horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku nool labada dal.

 

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Waxaa kulanka labada wasiir ka horeeyay Shir Muddo Seddex maalmood ah uga socday Magaalada Addis Ababa Khubaro ka kala socday labada wasaaradood ee dowladda Federaalka ee Soomaliya iyo Dowladda federaalka Itoobiya Loogana wadaa hadlaayay Sidii labada dowladood iskaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka Xoolaha iyo Ka hortagga Cudurada Xoolaha , iyo diyaarinta Heshiiska is afgarad Kaasoo ay siwadajir ah usoo qaban qaabiyeen Urur goboleedka IGAD hay’adda u qaabilsan dhinaca Horumarinta Xoolaha iyo reer guuraaga iyo Hay’adda caalamiga ah Ee USAID oo Dowladda Maraykanka u qaabishan Maalgashiga Horumarinta dhaqaalaha aduunka waxaana shirka lagu gunaanaday saxiixa heshiiska labada wasiir

Ugu dambey labada wasiir ayaa soo saaray Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban :-

1- Anagoo ah Wasiirada X. Xoolaha ee Dawladaha Soomaaliya iyo Ethiopia mas’uulna ka ah arrimaha Xoolaha Iyo Xoolo dhaqatada, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 28-da Maarso, 2019-ka ku kala saxiixanay heshiis is afgarad is kaashi (MOU) oo lagu hormarinayo loogana wada shaqeeynayo arrimaha caafimaadka Xoolaha, ka hortagga cudurada faafa, suuqgeeynta xoolaha iyo Horumarinta bulshada Xoolaha dhaqatada ee ku dhaqan labada dhinaca ee Xuduuda u dhaxeeysa labada dal.

2- Anagoo dib u egeeyna hab-siyaasadeedkii caafimaadka xoolaha (Policy Framework on Animal Health “RPFAH”) oo ay wada saxiixdeen Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee Waddamada xubnaha  ka ah  Urur Goboleedka IGAD sanadkii 2009-kii,  kasoo ku saabsanaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira ganacsiga xoolah iyo  nuglaanshaha  caafimaadka iyo suuqgeeynta xoolaha ee Gobolka ayaa la isla qaatay in cudurada ku dhaca xoolaha iyo awood yarida ganacsatada xoolaha ay yihiin caqabado halis ah ee hor tagan ganacsiga xoolaha abuurana nuglanshaha, waxaana la go’aansaday in si wada jir ah Gobolka oo mideeysan xal loogu raadiyo wax ka qabshada caqbadaha arrimahaas.

3- Anagoo aqoonsan baahida loo qabo in si xoog leh loogu howl galo sidii loo hagaajin lahaa arrimaha caafimaadka xoolaha iyo faya qabkooda (Sanitary measure) si loo fududeeyo bad qabka iyo Kordhinta  ganacsiga Dhoofka Xoolaha iyo dhiiri gelinta nolosha bulshada.

4- Anagoo qirsan caqabadaha ay wajahaan bulshada xoolo dhaqatada (Pastoral Communities), Gancsatada xoolaha iyo kuwa bixiya shaqada caafimaadka xoolaha ee labada dhinac ee bulshada ku nool xuduuda labada wadan isla markaasna si qoto dheer hoos ugu eegeeyna sida ay labada dalba uga go’antahay xal u helidda caqabadahaas loona hormarin lahaa ganacsiga Dhoofka xoolaha.

Waxaa naga Go’an in:-

Dhaqaala u raadinta haddii ay noqon lahayd wadamadeena gudahooda (Soomaaliya iyo Ethiopia) ama aan la kaashano IGAD iyo deeq bixiyayaasha sidii loo maalgelin lahaa shaqooyinka kala duwan ee ku qeexan heshiiska isafagardaka labada dal (MoU) iyo qabyo qoraalka habka dhaqan gelinta ee loogu tala galay sidii loo fulin lahaa qodabada heshiiska kaasoo loo asteeyey ansixintiisa 15-ka April  2019-ka.

Previous Post

Amniga caasimadda oo la adkeeyay si looga hortago dhagarta argagixisada “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo+Sawirro

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo+Sawirro

Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo+Sawirro

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In