Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saabsan arrimaha caafimaadka Xoolaha

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saabsan arrimaha caafimaadka Xoolaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay yeesheen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa  ee Xukuumadda Federalka.  Soomaaliya  Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Wasiirka Beeraha Itoobiya Mudane Cumar Xuseen, laguna qabtay magaalada Addis Ababa taariikhdu markeey ahayd 28 Maarso 2019-ka ayaa lagu kala saxiixday heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan  iskaashiga iyo ka wada shaqeeynta arrimaha caafimaadka xoolaha, Suuqgeeynta iyo horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku nool labada dal.

 

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Waxaa kulanka labada wasiir ka horeeyay Shir Muddo Seddex maalmood ah uga socday Magaalada Addis Ababa Khubaro ka kala socday labada wasaaradood ee dowladda Federaalka ee Soomaliya iyo Dowladda federaalka Itoobiya Loogana wadaa hadlaayay Sidii labada dowladood iskaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka Xoolaha iyo Ka hortagga Cudurada Xoolaha , iyo diyaarinta Heshiiska is afgarad Kaasoo ay siwadajir ah usoo qaban qaabiyeen Urur goboleedka IGAD hay’adda u qaabilsan dhinaca Horumarinta Xoolaha iyo reer guuraaga iyo Hay’adda caalamiga ah Ee USAID oo Dowladda Maraykanka u qaabishan Maalgashiga Horumarinta dhaqaalaha aduunka waxaana shirka lagu gunaanaday saxiixa heshiiska labada wasiir

Ugu dambey labada wasiir ayaa soo saaray Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban :-

1- Anagoo ah Wasiirada X. Xoolaha ee Dawladaha Soomaaliya iyo Ethiopia mas’uulna ka ah arrimaha Xoolaha Iyo Xoolo dhaqatada, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 28-da Maarso, 2019-ka ku kala saxiixanay heshiis is afgarad is kaashi (MOU) oo lagu hormarinayo loogana wada shaqeeynayo arrimaha caafimaadka Xoolaha, ka hortagga cudurada faafa, suuqgeeynta xoolaha iyo Horumarinta bulshada Xoolaha dhaqatada ee ku dhaqan labada dhinaca ee Xuduuda u dhaxeeysa labada dal.

2- Anagoo dib u egeeyna hab-siyaasadeedkii caafimaadka xoolaha (Policy Framework on Animal Health “RPFAH”) oo ay wada saxiixdeen Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee Waddamada xubnaha  ka ah  Urur Goboleedka IGAD sanadkii 2009-kii,  kasoo ku saabsanaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira ganacsiga xoolah iyo  nuglaanshaha  caafimaadka iyo suuqgeeynta xoolaha ee Gobolka ayaa la isla qaatay in cudurada ku dhaca xoolaha iyo awood yarida ganacsatada xoolaha ay yihiin caqabado halis ah ee hor tagan ganacsiga xoolaha abuurana nuglanshaha, waxaana la go’aansaday in si wada jir ah Gobolka oo mideeysan xal loogu raadiyo wax ka qabshada caqbadaha arrimahaas.

3- Anagoo aqoonsan baahida loo qabo in si xoog leh loogu howl galo sidii loo hagaajin lahaa arrimaha caafimaadka xoolaha iyo faya qabkooda (Sanitary measure) si loo fududeeyo bad qabka iyo Kordhinta  ganacsiga Dhoofka Xoolaha iyo dhiiri gelinta nolosha bulshada.

4- Anagoo qirsan caqabadaha ay wajahaan bulshada xoolo dhaqatada (Pastoral Communities), Gancsatada xoolaha iyo kuwa bixiya shaqada caafimaadka xoolaha ee labada dhinac ee bulshada ku nool xuduuda labada wadan isla markaasna si qoto dheer hoos ugu eegeeyna sida ay labada dalba uga go’antahay xal u helidda caqabadahaas loona hormarin lahaa ganacsiga Dhoofka xoolaha.

Waxaa naga Go’an in:-

Dhaqaala u raadinta haddii ay noqon lahayd wadamadeena gudahooda (Soomaaliya iyo Ethiopia) ama aan la kaashano IGAD iyo deeq bixiyayaasha sidii loo maalgelin lahaa shaqooyinka kala duwan ee ku qeexan heshiiska isafagardaka labada dal (MoU) iyo qabyo qoraalka habka dhaqan gelinta ee loogu tala galay sidii loo fulin lahaa qodabada heshiiska kaasoo loo asteeyey ansixintiisa 15-ka April  2019-ka.

Previous Post

Amniga caasimadda oo la adkeeyay si looga hortago dhagarta argagixisada “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo+Sawirro

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo+Sawirro

Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo+Sawirro

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In