Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Norway oo maanta si wadajira u daahfuray wajiga labaad ee mashruuca xasilinta iyo adeegyada bulshada+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Norway oo maanta si wadajira u daahfuray wajiga labaad ee mashruuca xasilinta iyo adeegyada bulshada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladaha Soomaaliya iyo Norway ayaa maanta si wadajira u daahfuray wajiga labaad ee mashruuca xasilinta iyo adeegyada bulshada oo laga fulinayo dalka oo dhan.

Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya, Safiirka ku xigeenka dalka Norway ee Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee dowlada Norway u qaabilsan geeska afrika iyo madaxa hey’adda NIS Foundation ayaa ka qeyb galay kulankan oo daah fur u ahaa wejiga labaad ee Mashruuca xasilinta iyo adeegyada guud ee bulsahada oo ay maalgelineyso dowlada Norway.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Mashruucan oo socon doonaa muddo Seddex sano ah waxaa ku bixi doonta lacag dhan 24 Milyan oo Doolar, iyadoo inta uu socdana diiradda lagu saari doono arimaha xasilinta, shaqo abuurka dhallinyarada, dib u dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka garoomada ciyaaraha, isbitaalada naleynta jidadka iyo taageeridda ganacsatada.

Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucan uu xambaarsanyahay muhiimad weyn islamarkaana ay ka faaiideysan doonaa dhallinyaradda, Dadka Jilicsan, ganacsatada yar yar iyo bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan , wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysto hadafka loogu talo galay mashruucan.

Madaxa hey’adda NIS Foundation ee Soomaaliya Qaasim Gaabow Ducaale Ayaa dhankiisa xusay in lagu guuleystay Wejigii hore ee mashruucan oo lagu dhisay wadooyin, Isbitaalo,xaruumo dowladeed iyo goobo kale, isla markaana hada ay xooga saari doonaan sidii loogu guuleysan lahaa mashruucan labaad oo faaiido badan u leh bulshada Soomaaliyeed .

Previous Post

Dowlada Qatar oo markale Muqdisho ka soo dejisay gargaar ay uga qeyb qaadaneyso gurmadka fatahaadaha+Sawirro

Next Post

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo bilowday dhageysiga dhacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Al-shabaab+Sawirro

Next Post
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo bilowday dhageysiga dhacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Al-shabaab+Sawirro

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo bilowday dhageysiga dhacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Al-shabaab+Sawirro

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In