Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
8 months ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Injineer Cabdullaahi Aamir Al-Swaha.Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta adeegyada dowladda dhijitaalka ah, dhismaha kaabeyaasha isgaarsiinta, iyo maalgelinta teknoolojiyadda casriga ah ee kor u qaadaysa adeegyada dadweynaha.

Wafdiga dowladda Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yasin Sheikh, kaas oo kulanka uga qeyb-qaatay farsamada iyo qorsheynta istaraatiijiga ah ee la xiriirta shabakadaha isgaarsiinta iyo nidaamyada dijitaalka ah.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa, iyadoo Wasiirka Isgaarsiinta Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Inj. Cabdullaahi Aamir Al-Swaha, uu si gaar ah ugu amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada dadaalka xooggan ee ay dhawaanahan ku bixinayaan horumarinta isgaarsiinta iyo adeegyada dijitaalka ah.

Ugu dambeyn Labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo isku raacay in la dardar geliyo wada-shaqeynta ku aaddan casriyeynta dowladnimada iyo ka faa’iideysiga tiknoolajiyadda casriga ah.

Previous Post

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Next Post

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Next Post
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In