Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Britain oo sheegtay in hal milyan iyo oo doollar ugu deeqeyso Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dowladda Britain oo sheegtay in hal milyan iyo oo doollar ugu deeqeyso Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday in 1.5 milyan oo doollar ay ku bixinayso maalgelinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya

War qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Britain oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegey in dowladda Braitain ay ku yaboohday lacag gaaraysa 1.5 miliyan oo doollarka Mareykanka ah, taasi oo loogu talagalay in mashaariic horumarineed looga fuliyo Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Lacagtaasi oo la soo marinayo Bankiga Horumarinta Africa ayaa waxyaabaha loogu talogaya waxaa ka mid ah Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dib u dhiska, Caafimaadka, Tamarta, Nabadda iyo guud ahaan horumarinta adeegyada Bulshada.

Philib Evans oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee  Britain ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ka saacidayso dowladda Soomaaliya, in ay ku fuliso Mashaariicyo kala duwan oo horumarineed, “Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya waa ahmiyadeena koowaad, lacagtani oo qeyb ka ahayd ballanqaadkii hore ee barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Britain ayaa looga gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqalaaha Soomaaliya, iyadoo loo marayo shaqo abuuris loo sameeyo dhallinyarada, kordhinta Wax soo-saarta iyo yereynta kharash-gareynta”, ayuu yiri Philib Evans.

Waxay sidoo kale sheegeen mas’uuliyiintani in ay tahay arrin muhiimadeeda leh  xoojinta hay’adaha Maaliyadda, ayadoo loo marayo abuurista, hannaan wanaagsan iyo isla-xisaabtan, si kor loogu qaado Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya.

Dowladda Britain waxay ka mid tahay waddamada taageera Soomaaliya ayadoo mashaariic horumarineed oo kala duwan ay ka fulinaysa dalka Soomaaliya, taasoo ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya.

Lacagtani ayaa imaanaysa ayadoo dhawaanahan Danjiraha Britain ee Soomaaliya Haret Mathews ay booqasho ay ku kala bixnaysa Maamul goboleedyada ayadoo waxyaabaha y kala tashanyeen ay kamid yihiin Mashaariicda horumarineed.

Previous Post

Tababar ku saabsan diyaarinta Miisaaniyadda oo lagu soo xiray Kambala +Sawirro

Next Post

FAALLO: Shabaab oo gubaya Gabaadkoodii ugu danbeeyay

Next Post
FAALLO: Shabaab oo gubaya Gabaadkoodii ugu danbeeyay

FAALLO: Shabaab oo gubaya Gabaadkoodii ugu danbeeyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In