Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Q.M Oo wada saxiixday heshiis iskaashi Cusub+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
October 16, 2020
in Wararka
0
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Q.M Oo wada saxiixday heshiis iskaashi Cusub+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaramada midoobay ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaasi oo hagi doona sida dalka iyo qaramada midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Hishiiska iskaashiga horumarinta waarta ee qaramada midoobay (uncf) – ayaa lagu qabtay caasimadda, muqdisho, waxaana dhanka dowladda ka qaybgalay Sii hayaha Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiirka qorshaynta, maalgelinta iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Sii hayaha Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guleed (Qadar) oo hadal jeediyey ayaa ku tilmaamay heshiiskan iskaashi ee u dhexeeta Dowladda federal-ka ah iyo qaramada midoobay mid taariikhi ah, waxa uuna Ammaanay gacanta ay qaramada midoobay ka geysatay in soomaaliya hesho Nabad, ammaan iyo horumar.

“waxaan caddeynay in dalkan meel fog ka yimi iyo in qaramada midoobay ay si waxtar leh ula macaamisho ulana taliso dowladda federalka marka ay timaado hortabinada iyo fulinta ajendeyaasha horumarineed ee dalka.”

Dhanka qaramada midoobay, mas’uuliyiintii ka qaybgalay waxaa ka mid ah, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha-guud ee qaramada midoobay, james swan iyo isku duwaha arrimaha bani’aadannimada ee qaramada midoobay, Adam Abdelmoula, oo sidoo kale haya xilka ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha-guud ee qaramada midoobay.

Hishiiska cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore ee isaga oo kale ahaa, kaas oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.

“tan iyo markii la saxiixay heshiiskii iskaashiga istiraatiijiyadda ee qaramada midoobay bishii december 2017, Soomaaliya waxay horumar wax-ku-ool ah ka samaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabadda iyo gaarista horumar waara oo loo dhan yahay, iyadoo kaashanaysa taageerada adag ee qaramada midoobay,” ayuu mudane swan ka yiri xafladdii saxiixa heshiiska.

“Barnaamijkaan ka wada shaqeynta horumarka  waxa uu xaqiijin iyo xoojinba u yahay sida qaramada midoobay ay waligeedba uga go’aneed ka taageeridda Soomaaliya dhabbihii ay u mari lahayd nabad waarta, ammaan iyo horumar dhinac kasta ah. barnaamijkan ka wada-shaqeynta horumarka waxa uu sidoo kale ahmiyad u leeyahay in uu hagi doono shaqo wadareedka nidaamka Qaramada midoobay ee Soomaaliya ee dhinacyada ay u haysato sharciyadda shanta sano ee soo socra,” ayuu ku daray raaciyey hadalkiisa.

Hishiiska UNCF wuxuu matalayaa sida dowladda federaalka soomaaliya iyo Qaramada midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero hiigsiga 2030 ee horumarka waara iyo himilooyinka horumarka waara (SGGS). hiigsiga waa baaq caalami ah oo la rabo in lagu ciribtiro saboolnimada, lagu dhawro adduunka, laguna horumariyo nolosha iyo horumarka qof kasta meesha uu doono ha ku noolaado e, waxaana hiigsigan meelmariyay dhammaan xubnaha qaramada midoobay sanadkii 2015 isagoo qayb ka ah hiigsiga 2030, oo dhabbaha u xaaraya qorshe 15-sano ah si loo gaaro himilooyinka sdgs.

si gaar ah, heshiiska cusub ee UNCF wuxuu sharraxayaa hababka qaramada midoobay u damacsan tahay inay u taageerto mudnaanaha dowladdu leedahay ee ay ayada majaraha u hayso. dhidibadda ugu muhiimsani ee waxqabad ee Hishiisku waxay la jaanqaadayaan kuwa ku xusan qorshaha qaran ee sagaalaad ee soomaaliya (NDP-9), haddii la xusana kala ah, siyaasad loo dhan yahay, dib-u-hishiisiin, amniga iyo ku dhaqanka sharciga, horumarinta dhaqaalaha iyo Horumarinta bulshada.

Mr. Abdelmoula oo goobta hadal ka jeediyey ayaa sheegay in UNCF ay u ogolaan doonto hay’addan caalamiga ah iyo saaxiibadeeda in ay wanaajiyaan waxyaabaha asalka ah ee sababa nuglaanta daba-dheeraatay iyo xasillooni darada caqabada ku noqday siyaasadda iyo horumarka loo dhan yahay ee Soomaaliya tobaneeyadii sano ee tagay.

“Iyada oo laga duulaya ballanta Qaramada Midoobay ee ah in aan qofna laga tagin, barnaamijkan ka wada-shaqeynta horumarka waxa uu hiigsanayaa in uu xaqiijiyo in dhammaan Soomaalida, gaar ahaan kuwa xuquuqdooda la duudsiiyo iyo kuwa nugul in ay qeyb ka ahaadaan kana faa’iidaan hormarka Soomaalia,” ayuu yiri mas’uulka Qaramada Midoobay.

Tiro mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada dibloomaasiyiinta ayaa joogay munaasabadda halka kuwa kale ay qaab onlayn ah uga qaybgaleen.

 

 

 

Tags: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Q.M Oo wada saxiixday heshiis iskaashi Cusub+Sawirro
Previous Post

Ciidanka Xoogga oo howl-gal ku dilay madaxi howl-galinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe

Next Post

Safaaradda Soomaaliya  ee Dalka K/Sudan Oo deeq gargaar ah ku wareejisay Dowladda Koofur Suudaan+Sawirro

Next Post
Safaaradda Soomaaliya  ee Dalka K/Sudan Oo deeq gargaar ah ku wareejisay Dowladda Koofur Suudaan+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya  ee Dalka K/Sudan Oo deeq gargaar ah ku wareejisay Dowladda Koofur Suudaan+Sawirro

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In