Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Ingiriiska oo shaacisay boqol Milyan oo lagu Horumarinayo Kaabayaasha Dhaqaalaha Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Dowladda Ingiriiska oo shaacisay boqol Milyan oo lagu Horumarinayo Kaabayaasha Dhaqaalaha Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha ku xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsatay sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhaftay in ay Boqol Malyan oo Doollar ay arrinkaas u qorsheeyeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

Madaxweynaha ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaanno hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaas oo argagixisada Al-Shabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii beeralayda ahaa.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland “SAWIRRO”

Next Post

Laamaha Amniga Puntland oo gacanta ku dhigay Ajaanib ka tirsan Khawaarijta Daacish

Next Post
Laamaha Amniga Puntland oo gacanta ku dhigay Ajaanib ka tirsan Khawaarijta Daacish

Laamaha Amniga Puntland oo gacanta ku dhigay Ajaanib ka tirsan Khawaarijta Daacish

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In