Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Mareykanka oo shaacisay inay dib u bilaabeyso howlihii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dowladda Mareykanka oo shaacisay inay dib u bilaabeyso howlihii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay xoojinayaan cilaaqaadka ay la leedahay Soomaaliya, ayna qorsheynayaan in safiir cusub ay u magacowda Soomaaliya, si uu uga howlgallo gudaha magaalada Muqdisho.

Go,aankan ay ku dhawaaqday dowladda Mareykanka ayaa ka dambeyeey kaddib war saxaafadeed ka soo baxay Wasaraadda arrinmaha dibada ee Mareykanka kaasi oo nuqul ka mid ah safarada Mareykanku uu ku leeyahaya magaalada Nairoobi ay soo gaarsiyaay warqabadka Warbaahinta Qaranka waxaana Mareykanka uu ku tilmaamay mid uu dib ugu soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Mareykanka kaasi oo meesha ka maqnaa tan iyo 1990.

Related posts

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

January 21, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026

Inkastoo Mareykanka uu sheegey in howlaha shaqo uu Soomaaliya ka qabanayo saldhig KMG u tahay Kenya ayaa hadan wuxuu daaha ka rogay in diblomasiyiinta Ameerikaanka ah ay si caadi ah uga shaqeynayaan Soomalaiya oo waajibaadkoodi shaqo si toos ah u gudanayaan, ayadoo aanay jirin walwal laga qabo xaga amniga sida uu sheegey Afhayeenka Wasaarada arrimaha dibada ee Mareykanak Johan Kirbi.

Howgalkani cusub ee Mareykanka uu ka fulinayo Soomaaliya ayaa sii dardargelinaya sii xoojinta ilaaqaadka xaga diblomaasiyada ee labada dal, maadaama uu Mareykanka si toos ah u aqoonsaday nidaamka dowladanimo ee Soomaaliya 17-kii Janaayo ee sanadkii 2013 iyo socdaalkii Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ku yimid Muqdisho bishii May ee sanadkan.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegey in ay rajeynayaan sidii safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya loogu soo wareejin lahaa magaalada Muqdisho.

Wakaalada Wararka Reuters oo soo xiganaysa diblomasiyiinta Mareykanka ayaa sheegety in ay la aaminsanyahay in talaabadan uu qaadayo Mareykanka ay keentay guulaha dhanka ammaanka ah iyo horumarada ay ku talaabsanayso dowladda Federaalka ah ee Soomaliya oo dunidu ay aqoonsantahay.

Dowlado badan ayaa safaarado ka furtay soomaaliya tan iyo markii ciidamada amniga oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka intiisa badan ka sifeeyeen argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaah dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in safiir cusub uu u soo magacaabo Soomaaliya si uu u bedero katrin Dhanani oo dhawaan loo magacabay xilkaasi balse isbedelo shaqsiyadeed ay dheceen.

Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa soo dhaweysay  go’aanka ka soo baxay Xukuumadda Washington , Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhanqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegey in  ay tahay talaabo dhanka horumarka diblomaasiyada ah ay u qaadayso Soomaaliya, waxaana Wasiirka uu rajo wanaagsan ka muujiyaay in dhawaan Soomaaliya ay dib u soo ceshan doonto subcadii iyo karaamadii ay ku lahayd dunida inteedi kale.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska oo Baydhabo tababar uga furay askar ka mid noqonaya booliska “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska oo Baydhabo tababar uga furay askar ka mid noqonaya booliska “SAWIRRO”

Taliyaha ciidanka booliska oo Baydhabo tababar uga furay askar ka mid noqonaya booliska “SAWIRRO”

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

January 21, 2026
0

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Maxamed Abuukar, ayaa ka warbixiyay kulanka muhiimka ah ee isu-duwidda hay’adaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In