Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Mareykanka oo shaacisay inay dib u bilaabeyso howlihii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda Mareykanka oo shaacisay inay dib u bilaabeyso howlihii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay xoojinayaan cilaaqaadka ay la leedahay Soomaaliya, ayna qorsheynayaan in safiir cusub ay u magacowda Soomaaliya, si uu uga howlgallo gudaha magaalada Muqdisho.

Go,aankan ay ku dhawaaqday dowladda Mareykanka ayaa ka dambeyeey kaddib war saxaafadeed ka soo baxay Wasaraadda arrinmaha dibada ee Mareykanka kaasi oo nuqul ka mid ah safarada Mareykanku uu ku leeyahaya magaalada Nairoobi ay soo gaarsiyaay warqabadka Warbaahinta Qaranka waxaana Mareykanka uu ku tilmaamay mid uu dib ugu soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Mareykanka kaasi oo meesha ka maqnaa tan iyo 1990.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Inkastoo Mareykanka uu sheegey in howlaha shaqo uu Soomaaliya ka qabanayo saldhig KMG u tahay Kenya ayaa hadan wuxuu daaha ka rogay in diblomasiyiinta Ameerikaanka ah ay si caadi ah uga shaqeynayaan Soomalaiya oo waajibaadkoodi shaqo si toos ah u gudanayaan, ayadoo aanay jirin walwal laga qabo xaga amniga sida uu sheegey Afhayeenka Wasaarada arrimaha dibada ee Mareykanak Johan Kirbi.

Howgalkani cusub ee Mareykanka uu ka fulinayo Soomaaliya ayaa sii dardargelinaya sii xoojinta ilaaqaadka xaga diblomaasiyada ee labada dal, maadaama uu Mareykanka si toos ah u aqoonsaday nidaamka dowladanimo ee Soomaaliya 17-kii Janaayo ee sanadkii 2013 iyo socdaalkii Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ku yimid Muqdisho bishii May ee sanadkan.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegey in ay rajeynayaan sidii safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya loogu soo wareejin lahaa magaalada Muqdisho.

Wakaalada Wararka Reuters oo soo xiganaysa diblomasiyiinta Mareykanka ayaa sheegety in ay la aaminsanyahay in talaabadan uu qaadayo Mareykanka ay keentay guulaha dhanka ammaanka ah iyo horumarada ay ku talaabsanayso dowladda Federaalka ah ee Soomaliya oo dunidu ay aqoonsantahay.

Dowlado badan ayaa safaarado ka furtay soomaaliya tan iyo markii ciidamada amniga oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka intiisa badan ka sifeeyeen argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaah dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in safiir cusub uu u soo magacaabo Soomaaliya si uu u bedero katrin Dhanani oo dhawaan loo magacabay xilkaasi balse isbedelo shaqsiyadeed ay dheceen.

Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa soo dhaweysay  go’aanka ka soo baxay Xukuumadda Washington , Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhanqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegey in  ay tahay talaabo dhanka horumarka diblomaasiyada ah ay u qaadayso Soomaaliya, waxaana Wasiirka uu rajo wanaagsan ka muujiyaay in dhawaan Soomaaliya ay dib u soo ceshan doonto subcadii iyo karaamadii ay ku lahayd dunida inteedi kale.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska oo Baydhabo tababar uga furay askar ka mid noqonaya booliska “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska oo Baydhabo tababar uga furay askar ka mid noqonaya booliska “SAWIRRO”

Taliyaha ciidanka booliska oo Baydhabo tababar uga furay askar ka mid noqonaya booliska “SAWIRRO”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In