Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaaday shacab ku dhaawacmay Qarax miino oo argagixisadu ay la beegsadeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaaday shacab ku dhaawacmay Qarax miino oo argagixisadu ay la beegsadeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa olole nadaafadeed iyo jarista geedka  loo yaqaano (Cali-Garoobka) ka bilaabay xaafadaha degmda Aw-dheegle, kadib markii laga xoreeyay magaaladaasi khawaarijta Al-Shabaab oo dadka deegaanka dhibaato weyn ay ku qabeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo mas’uuliyiinta degmada Aw-dheegle ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in dadkaasi ay gurmad deg deg ah ka heleen dowladda Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Cadowga Al-Shabaab oo mar walba u taagan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ayaa shacabkii waday jarista geedaha iyo nadaafadda  ku qarxiyay miino nooca Remote control ah oo meelaha fog fog laga hago 4tii Bishan, taas oo sababtay dhaawaca 7ruux oo shacab ah, ayadoo hal ruux ugu dambayntii uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda ayaa gurmad caafimaad u fidisay dadkii ku dhaawacmay falkaasi, waxayna diyaarad kaga soo daad guraysay degmada Aw-dheegle, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaanahay ku guuleystay in Al-Shabaab ay ka xoreeyaan deegaanno badan oo kuyala gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka.

Al-Shabaab ayaa caado u ah markii ay dareemaan in ay la kulmayaan culeysyo milateri oo kaga imaanaya ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, waxaa ay ka aar goostaan shacabka, balse taasi waxaa ay keentay in shacabka ay bilaabaan iska caabinta ficilada guracan ee Shabaabku ay kula kacayaan bulshada.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe waxaa ku sii xoogaysanaya ololaha shacabka ay isaga dul qaadayaan dhibaatooyinka ay ku hayaan maleeshiyaadka Shabaab,gaar ahaan kuwa labaxay Macwiislayda,kuwaasi oo khasaare xooggan iyo niyad jab ku riday argagixisada Al-Shabaab,taasina waxaa u wehliya howlgalada ay wadaan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xeraale Geeyay Dadkii Uga Bakaracay Coladda, Si Loo Hubiyo Dhaqan-galka Heshiiskii Nabadeed “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO: Soo Dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee magaalada Baydhabo

Next Post
DAAWO: Soo Dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee magaalada Baydhabo

DAAWO: Soo Dhaweynta Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee magaalada Baydhabo

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In