Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaaday shacab ku dhaawacmay Qarax miino oo argagixisadu ay la beegsadeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaaday shacab ku dhaawacmay Qarax miino oo argagixisadu ay la beegsadeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa olole nadaafadeed iyo jarista geedka  loo yaqaano (Cali-Garoobka) ka bilaabay xaafadaha degmda Aw-dheegle, kadib markii laga xoreeyay magaaladaasi khawaarijta Al-Shabaab oo dadka deegaanka dhibaato weyn ay ku qabeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo mas’uuliyiinta degmada Aw-dheegle ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in dadkaasi ay gurmad deg deg ah ka heleen dowladda Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Cadowga Al-Shabaab oo mar walba u taagan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ayaa shacabkii waday jarista geedaha iyo nadaafadda  ku qarxiyay miino nooca Remote control ah oo meelaha fog fog laga hago 4tii Bishan, taas oo sababtay dhaawaca 7ruux oo shacab ah, ayadoo hal ruux ugu dambayntii uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda ayaa gurmad caafimaad u fidisay dadkii ku dhaawacmay falkaasi, waxayna diyaarad kaga soo daad guraysay degmada Aw-dheegle, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaanahay ku guuleystay in Al-Shabaab ay ka xoreeyaan deegaanno badan oo kuyala gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka.

Al-Shabaab ayaa caado u ah markii ay dareemaan in ay la kulmayaan culeysyo milateri oo kaga imaanaya ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, waxaa ay ka aar goostaan shacabka, balse taasi waxaa ay keentay in shacabka ay bilaabaan iska caabinta ficilada guracan ee Shabaabku ay kula kacayaan bulshada.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe waxaa ku sii xoogaysanaya ololaha shacabka ay isaga dul qaadayaan dhibaatooyinka ay ku hayaan maleeshiyaadka Shabaab,gaar ahaan kuwa labaxay Macwiislayda,kuwaasi oo khasaare xooggan iyo niyad jab ku riday argagixisada Al-Shabaab,taasina waxaa u wehliya howlgalada ay wadaan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xeraale Geeyay Dadkii Uga Bakaracay Coladda, Si Loo Hubiyo Dhaqan-galka Heshiiskii Nabadeed “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO: Soo Dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee magaalada Baydhabo

Next Post
DAAWO: Soo Dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee magaalada Baydhabo

DAAWO: Soo Dhaweynta Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee magaalada Baydhabo

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In