Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Oo Diyaarisay Qorshe Lagu Yareynayo Saamaynta Cudurka COVID-19 Uu Ku Yeelanayo Waxbarashada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaysa saamaynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay habsami u socodka waxbarashada ayaa diyaarisay qorshe lagu yareynayo saamaynta cudurka COVID-19 ku yeelanayo waxbarashada.

Qorshahani oo lix bilood ah ayaa diirada saaraya sadex hadaf/ujeedo oo waaweyn oo kala ah:

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

(1) Sidii taageero dhanka wacyigelinta loo siin lahaa ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta sidii ay uga hortagi lahaayeen faafida cudurka COVID-19.

(2) Sidii loo sii wadi lahaa adeegga waxbarashada iyada oo la adeegsanayo habka fogaan-dersiga waxbarashada iyo wixii kale ee taageero ah ee ay u baahan yihiin ardayda iyo macallimiinta inta dugsiyadu xiran yihiin.

(3) Sidii looga shaqayn lahaa dib u furida goobaha waxbarashada marka laga baxo xaaladan, iyada oo laga shaqaynayo badqabka ardayda, macallimiinta iyo bulshada.

Haddaba, fulinta sadexdaan hadaf/ujeeddo waxay gacan ka geysanaysaa yaraynta saameynta dhow iyo mida fog ee cudurkan ku yeelan karo habsami u socodka waxbarashada.

Diyaarinta qorshahan waxaa kala shaqeeyay wasaaradda, dhammaan bah-wadaagta waxbarashada Soomaaliya sidii uu u noqon lahaa salka qorshaha u diyaar-garowga iyo ka jawaabida saameynta cudurka ku keenay habsami u socodka waxbarshada dalka.

Sidaas daraadeed, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ka codsanaysaa dhammaan bahwadaagta waxbarshada in ay ka qeyb qaataan fulinta qorshaha ee ay wasaaraddu ugu talagashay in ay kaga jawaabto saameynta uu Covid-19 ku yeeshay xagga waxbarashada.

Previous Post

Dowladda oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ummadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Curashada Bisha Ramadaan

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ummadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Curashada Bisha Ramadaan

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ummadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Curashada Bisha Ramadaan

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In