Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo furtay mashruuc hal milyan oo qof lagu afurinayo bisha Ramadaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mashruucan afurinta ee bisha Ramadaan waxaa ka soo qayb galay Wasiirada Warfaafinta, Awqaafta, Gargaarta iyo qaar ka mid ah Hay’adaha deeq bixiyeyaasha ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo mashruuca ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayo shacabka dhibaateysan sidii loo afurin lahaa.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Dowladda waxay mudnaanta koowaad siinaysaa shacabka, maadaama dowladdu ay tahay dowladii shacabka, waxaana diyaar u nahay in shacabka aan ka fekerno horumarkooda iyo sidii ay kaalmo u heli lahaayeen”ayuu yiri Eng, Yariisow.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dr Iimaan Cabdulaahi Cali  ayaa u mahadceliyay hay’adaha gargaarta sida deg dega ah ay ugu soo gurmadeen    shacabka Soomaaliyeed.

“Hay’adaha Gargaarka ayaan uga mahadcelinayaa sida ay uga soo jawaabeen baaqii dowladda Soomaaliya ee ahaa u gurmashada dadka tabaaleysan ee ay abaartu saameysay” ayuu yiri Wasiirka Diinta Dr Iimaan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka  Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa gabagabadii waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in laga soo wada qeyb galo daahfurka afurka hal milyan oo qof oo Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay afurinta Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo Gobollada dalka, waxaana uga mahadcelinayaa Hay’adda O,I,C, oo baaqii Wasaaradda ka soo jawaabtay” ayay tiri Drs Maryan Qaasim.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyibnka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dadaallo ku aadan sidii shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaraha hala keeyeen iyo kuwooda taagta daran wax ugu qaban lahayd.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Kobaca dhaqaalaha waxa uu ku xiran yahay Argagixisada oo laga adkaado”

Next Post

Bisha Ramadaan oo laga arkay meelo badan oo dalka ka mid ah

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in berri ay Ramadaan tahay “Sawirro”

Bisha Ramadaan oo laga arkay meelo badan oo dalka ka mid ah

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In