Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo furtay mashruuc hal milyan oo qof lagu afurinayo bisha Ramadaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mashruucan afurinta ee bisha Ramadaan waxaa ka soo qayb galay Wasiirada Warfaafinta, Awqaafta, Gargaarta iyo qaar ka mid ah Hay’adaha deeq bixiyeyaasha ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo mashruuca ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayo shacabka dhibaateysan sidii loo afurin lahaa.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Dowladda waxay mudnaanta koowaad siinaysaa shacabka, maadaama dowladdu ay tahay dowladii shacabka, waxaana diyaar u nahay in shacabka aan ka fekerno horumarkooda iyo sidii ay kaalmo u heli lahaayeen”ayuu yiri Eng, Yariisow.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dr Iimaan Cabdulaahi Cali  ayaa u mahadceliyay hay’adaha gargaarta sida deg dega ah ay ugu soo gurmadeen    shacabka Soomaaliyeed.

“Hay’adaha Gargaarka ayaan uga mahadcelinayaa sida ay uga soo jawaabeen baaqii dowladda Soomaaliya ee ahaa u gurmashada dadka tabaaleysan ee ay abaartu saameysay” ayuu yiri Wasiirka Diinta Dr Iimaan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka  Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa gabagabadii waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in laga soo wada qeyb galo daahfurka afurka hal milyan oo qof oo Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay afurinta Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo Gobollada dalka, waxaana uga mahadcelinayaa Hay’adda O,I,C, oo baaqii Wasaaradda ka soo jawaabtay” ayay tiri Drs Maryan Qaasim.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyibnka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dadaallo ku aadan sidii shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaraha hala keeyeen iyo kuwooda taagta daran wax ugu qaban lahayd.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Kobaca dhaqaalaha waxa uu ku xiran yahay Argagixisada oo laga adkaado”

Next Post

Bisha Ramadaan oo laga arkay meelo badan oo dalka ka mid ah

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in berri ay Ramadaan tahay “Sawirro”

Bisha Ramadaan oo laga arkay meelo badan oo dalka ka mid ah

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In