Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo hal milyan oo doolar ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha ee dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo kulan la yeeshay hay’adaha samafalka gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhaqaalahan oo loogu talo galay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku  nool deegaanada Soomaaliland ayaa gaaraya hal milyan oo doolar, taasi oo ka timid madaxda iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya oo lacagta iska soo aruurriyey, waxaana lagu wareejiyey guddiga gurmadka abaaraha dalka oo isla maantaba u amba baxay magaalada Hargeysa si deeqdan ay u wareejiyaan.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carta oo garoonka Muqdisho kulan kula qaatay xubnaha guddiga oo qeyb ay ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa sheegay in dhaqaalahan oo horudhac ah kaalin ay ka qaadan doonaan yareynta baaxada abaaraha ka jirta gobollo kamid ah Soomaaliland.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Waa lacag hor dhac ah oo aanu ugu talo galnay inaan gaarsiino dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool deegaanno ka tirsan Soomaaliland, oo ay ka jiraan biyo yari iyo cunto la’aan, taasi oo ay iska gooyeen madaxda dowladda iyo shaqaalaha,” ayuu yiri Mudane Maxa,ed Cumar Carta.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carta ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid Allah loogu dhawaanayo oo lagu badbaadinayo dad ay isku biirsadeen biyo yari iyo cuno la’aan:”ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn madaxda Soomaaliland ayuu ku amaanay doorka ay ka qaadanayaan ka hortaga abaaraha iyo badbaadinta dadka ay saameeyeen abaarahaasi.

“Madaxda Soomaaliland waxaan ku bogaadinayaa in ay joojiyeen doorashooyinka oo ay u jiheysteen ka qeyb qaadashada dadaallada abaaraha looga hortagayo” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Maxamed Cumar Carte.

Previous Post

Madaxweynaha: “Soomaaliya iyo Masar waxay xoojinayaan xiriirkooda iskaashi’’ SAWIRRO

Next Post

Doorashada Hogaanka NUSOJ oo la shaaciyay “SAWIRRO”

Next Post
Doorashada Hogaanka NUSOJ oo la shaaciyay “SAWIRRO”

Doorashada Hogaanka NUSOJ oo la shaaciyay “SAWIRRO”

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In