Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo hal milyan oo doolar ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha ee dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo kulan la yeeshay hay’adaha samafalka gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhaqaalahan oo loogu talo galay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku  nool deegaanada Soomaaliland ayaa gaaraya hal milyan oo doolar, taasi oo ka timid madaxda iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya oo lacagta iska soo aruurriyey, waxaana lagu wareejiyey guddiga gurmadka abaaraha dalka oo isla maantaba u amba baxay magaalada Hargeysa si deeqdan ay u wareejiyaan.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carta oo garoonka Muqdisho kulan kula qaatay xubnaha guddiga oo qeyb ay ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa sheegay in dhaqaalahan oo horudhac ah kaalin ay ka qaadan doonaan yareynta baaxada abaaraha ka jirta gobollo kamid ah Soomaaliland.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Waa lacag hor dhac ah oo aanu ugu talo galnay inaan gaarsiino dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool deegaanno ka tirsan Soomaaliland, oo ay ka jiraan biyo yari iyo cunto la’aan, taasi oo ay iska gooyeen madaxda dowladda iyo shaqaalaha,” ayuu yiri Mudane Maxa,ed Cumar Carta.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carta ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid Allah loogu dhawaanayo oo lagu badbaadinayo dad ay isku biirsadeen biyo yari iyo cuno la’aan:”ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn madaxda Soomaaliland ayuu ku amaanay doorka ay ka qaadanayaan ka hortaga abaaraha iyo badbaadinta dadka ay saameeyeen abaarahaasi.

“Madaxda Soomaaliland waxaan ku bogaadinayaa in ay joojiyeen doorashooyinka oo ay u jiheysteen ka qeyb qaadashada dadaallada abaaraha looga hortagayo” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Maxamed Cumar Carte.

Previous Post

Madaxweynaha: “Soomaaliya iyo Masar waxay xoojinayaan xiriirkooda iskaashi’’ SAWIRRO

Next Post

Doorashada Hogaanka NUSOJ oo la shaaciyay “SAWIRRO”

Next Post
Doorashada Hogaanka NUSOJ oo la shaaciyay “SAWIRRO”

Doorashada Hogaanka NUSOJ oo la shaaciyay “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In