Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo hay’adaha samafalka kala hadashay u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Abaaraha ee Golaah Wasiirada ayaa lagu soo bandhigay xadiga abaaraha ka jirta gobollada dalka, waxana goob joog ka ahaa mas’uuliyiinhta  hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobe, iyadoo dhanka qadka uu uga qeyb galay xubnaha Qaramada midoobe ee ku sugan Magaalada Nairobi.

Shirak ayaa waxa la isku weedaarsaday doorka Hay’adaha gar gaarka iyo talaabooyinka ilaa hadda ay qaaday Dowladda Soomaaliya si loo caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kulanka ka sheegay in abaarto ay baahsan tahay,  loona baahan yahay talaabooyinka deg deg ah oo loo qaado wax ka qabashadeeda,  isla markaana ay Dowladda ilaa iminka ku bixisay dhaqaalo wax ka qabashada Abaaraha.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed iyo Wasiiro Dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaraha ee arimaha bii’ada ayaa ayaa tilmaamay inay laga maar maantahay inay Caalamku uu si deg deg ah Soomaaliya wax ugula qabto abaaraha ka jira gobolada dalka.

Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kulanka kaddib la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii hay’adaha samafalka ay gacan uga geysan lahaayeen u gurmadashada dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

“Waxaam la kulanay  Hay’adaha Samafalka ee ku sugan Muqdisho iyo Nairobi waxaana kala hadalnay  wax qabashada abaaraha si deg deg ah, marka waa inaan la siyaasadeen gurmadka deegaanada dowaldda maamusho iyo kuwa Al-Shabaab ay ku suganyihiin, dowladdu waxa ay ku howlantahay badbaadinta naf” ayuu yiri Wasiir Xidig.

Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo Federaalka aya tallaabo farxad leh ku tilmaamay in dhaqaalaha Mas’uuliyinta iyo shaqaalaha Dowaldda ay iska aruurriyeen la gaarsiiyay qeyb ka mid ah meelaha ay abaaruhu sameeyeen

Dowladda Soomaaliya oo in ka badan labo milyan oo dolar ugu talagashay dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa dhawaan hal milyan oo doolarka mareykanka ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha, kuwaasi oo gaarsiiyay dadkii loogu talagalay.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Daawo  sawirrada dhismaha waddada Dan-wadaagta

Next Post
Daawo  sawirrada dhismaha waddada Dan-wadaagta

Daawo  sawirrada dhismaha waddada Dan-wadaagta

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In