Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Oo Hirgelisay Xarunta Dhexe Ee Xiriirka COVID-19 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Oo Hirgelisay Xarunta Dhexe Ee Xiriirka COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa hirgelsiay xarunta dhexe ee xiriirka oo laga hagayo, talooyina laga siinayo dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19 iyo kuwa iskaga shakisan ee u baahan inay is-baaraan.

Xaruntan oo si casri ah loo diyaariyay waxay ka jawaabeysaa dhammaan wicitaannada teleefanka gaaban ee u gaarka ah COVID19 ee 449,  waxayna bukaannada ku xirtaa qeybaha kala duwan ee la tacaala cudurkan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dadka xarunta soo waca oo 24 saac kasta oo gaaraya 4,000 (Afar kun) oo qof oo kala jooga goballada dalka, ayaa kala ah bukaanno ka sheeganaya calaamadaha cudurka, balse ay xaaladdoodu fududdahay, Bukaanno xaaladdoodu adagtahay iyo Dad laga geeriyooday.

Bukaannada xaaladdoodu fududdahay waxay talooyin cafimaad ka helaan dhaqaatiirta xarunta ku sugan, Bukaannada xaaladdoodu adagtahay waxay xaruntu u dirtaa gaadiidka gurmadka degdegga ah oo isbitaal Martiini toos u geeya, Dadka laga geeriyoodayna waxay xaruntu ku xariirisaa xafiisyada dowladaha hoose ee loo diyaariyay ka shaqeynta aaska meydadka looga shakisan yahay inay xanuunkan COVID-19 u geeriyoodeen.

Xarunta Dhexe ee Xiriirka ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadata ka wacyi-gelinta bulshada Khatarta uu leeyahay cudurkaan COVID-19.

Hirgelinta xaruntan ayaa meesha ka saareysa jahawareerka iyo walwalka ay la kulmayeen dadka isku arka astaamaha lagu garto COVID-19, waxayna kaalin weyn ka qaadaneysaa uruurinta xogta dadka uu cudurku ku dhacay iyo kuwa ay xiriirka la yeesheen.

Previous Post

Maamulada Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland oo Amar kasoo saaray Goobaha la isugu yimaado ee Gaalkacyo

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo kormeeray Xarumaha Caafimaadka Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo kormeeray Xarumaha Caafimaadka Gaalkacyo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo kormeeray Xarumaha Caafimaadka Gaalkacyo “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In