Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Oo Hirgelisay Xarunta Dhexe Ee Xiriirka COVID-19 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Oo Hirgelisay Xarunta Dhexe Ee Xiriirka COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa hirgelsiay xarunta dhexe ee xiriirka oo laga hagayo, talooyina laga siinayo dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19 iyo kuwa iskaga shakisan ee u baahan inay is-baaraan.

Xaruntan oo si casri ah loo diyaariyay waxay ka jawaabeysaa dhammaan wicitaannada teleefanka gaaban ee u gaarka ah COVID19 ee 449,  waxayna bukaannada ku xirtaa qeybaha kala duwan ee la tacaala cudurkan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Dadka xarunta soo waca oo 24 saac kasta oo gaaraya 4,000 (Afar kun) oo qof oo kala jooga goballada dalka, ayaa kala ah bukaanno ka sheeganaya calaamadaha cudurka, balse ay xaaladdoodu fududdahay, Bukaanno xaaladdoodu adagtahay iyo Dad laga geeriyooday.

Bukaannada xaaladdoodu fududdahay waxay talooyin cafimaad ka helaan dhaqaatiirta xarunta ku sugan, Bukaannada xaaladdoodu adagtahay waxay xaruntu u dirtaa gaadiidka gurmadka degdegga ah oo isbitaal Martiini toos u geeya, Dadka laga geeriyoodayna waxay xaruntu ku xariirisaa xafiisyada dowladaha hoose ee loo diyaariyay ka shaqeynta aaska meydadka looga shakisan yahay inay xanuunkan COVID-19 u geeriyoodeen.

Xarunta Dhexe ee Xiriirka ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadata ka wacyi-gelinta bulshada Khatarta uu leeyahay cudurkaan COVID-19.

Hirgelinta xaruntan ayaa meesha ka saareysa jahawareerka iyo walwalka ay la kulmayeen dadka isku arka astaamaha lagu garto COVID-19, waxayna kaalin weyn ka qaadaneysaa uruurinta xogta dadka uu cudurku ku dhacay iyo kuwa ay xiriirka la yeesheen.

Previous Post

Maamulada Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland oo Amar kasoo saaray Goobaha la isugu yimaado ee Gaalkacyo

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo kormeeray Xarumaha Caafimaadka Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo kormeeray Xarumaha Caafimaadka Gaalkacyo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo kormeeray Xarumaha Caafimaadka Gaalkacyo “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In