Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Oo Ka Warbixisay Qarax Ka Dhacay Muqdisho, Tacsina U Dirtay Ehelada Dadkii Ku Dhintay Qaraxa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawooyin Gaarsiisay Degmada Xudur ee Gobalka Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 09-ka September 2020, Galabta 5:40-daqiiqo waxaa meel maqaaxi ah oo ay shaah ku cabayeen kuna laydhsanayeen dad shacab ah oo dhallinyaro u badan isku qarxiyey Naf halige ay soo khaldeen kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Al-qaaciDda.

Qaraxa inta ilaa hada la ogyahay waxaa ku dhintay 3 qof , halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dowladda Soomaaliya waxa ay si adag u cambaarayneysaa weerarkaas naftii hilignimada ahaa. Dowladda Soomaaliya waxa ay tacsi tiraanyo leh u direysaa Ehelada dadkooda ku waayay Qaraxaas, waxayna Alle SW uga rajeynaysaa Caafimaad dag dag dadkii ku dhaawacmay.

Qaraxa oo uu fuliyay Qof naftii halige ah oo xirnaa jaakadda walxaha qarxa lagusoo xiray kaa soo bartilmaameedsaday dad shacab ah oo ku Shaahayay Maqaaxi lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala Dagmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Ficilkaan ayaa muujinaya sida ay u wiiqantay Awoodda kooxda Xagjirka Al-Shabaab, xilli aad loo adkeeyay Ammaanka magaalada Muqdisho, iyagoo markii laga hor istaagay gaadiidkii Qaraxyada billaabay in ay isticmaalaan dad lagu soo xiro walxaha qarxa iyo Miinooyin waddooyinka la dhigo.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an sii xoojinta dagaalka ka dhanka ah Kooxda Naflacaarida ah ee Al-Shabaab.

WAR SAXAFADEED 09-09-2020

Previous Post

Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Muqdisho

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Si Kulul U Cambaareeyay Falkii Wuxuushnimada Ahaa Ee Ka Dhacay Muqdisho

Next Post
Duqa Muqdisho oo digreeto ku joojiyay ruqsad siinta shirkadaha ganacsiga forex

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Si Kulul U Cambaareeyay Falkii Wuxuushnimada Ahaa Ee Ka Dhacay Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In