Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo kordhisay qeybinta deeqaha gargaar ee la siinayo dadka u baahan

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo kordhisay qeybinta deeqaha gargaar ee la siinayo dadka u baahan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War qoraal  ah oo ka soo baxay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya ayaa  lagu yihiri Dowladda Soomaaliya  waxa ay kordhisay qeybinta deeqaha gargaar ee la siinayo dadka u baahan.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya ayaa ka wadda goballada iyo degmooyinka dalka Gargaar la gaarsiinayo bulshooyinka u baahan.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026

Si loo yareeyo saameynta cunta yari ee ka dhalatay saf-marka COVID-19 ayey dowladda Soomaaliya deeq raashin ah waxa ay la gaartay dad kor u dhaafaya boqol kun oo qof.

Gobalka Banadir oo ah goobta uu saameynta ugu xooggan ku yeeshay xanuunka Coronvirus isla markaasna ay ku nool yihiin barkacayaasha ugu badan ayey Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka waxay deeq gaarsiisay dadka u baahan.

In kabadan 25,000 oo qoys ayaa la gaarsiiyay gargaar raashin ah iyadoo qoys kastana la siiyay cunto ka kooban 25kg oo kala bariis, bur iyo saliida cunta lagu karsado.

Sidoo kale dhammaan Goballada dalka ayaa Iyana laga qeybiyay raashinka iyadoo u jeedku ahaa sidii looga hortagi lahaa in xanuunka covid-19 uu sababo nafaqo darro baahsan oo ka dhalata meelaha ay ku nool yihiin dadka dan-yarta ah.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS oo ka hadlay goob ka mid ah goobaha laga sameeyay raashin qeybinta, waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in la yareeyo saameynta uu xanuunka COVID-19 ku yeelan karo bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan qeybta nugul.

Tags: Dowladda oo kordhisay qeybinta deeqaha gargaar ee la siinayo dadka u baahan
Previous Post

Taliska ciidanka ilaalada nabad-gelyada wadooyinka oo ka digay xad gudubka sharuucda+sawirro

Next Post

Taliyaha Xoogga oo kormeer ku tagay Xarunta Taliska Qaybta 21-aad +Sawirro

Next Post
Taliyaha Xoogga oo kormeer ku tagay Xarunta Taliska Qaybta 21-aad +Sawirro

Taliyaha Xoogga oo kormeer ku tagay Xarunta Taliska Qaybta 21-aad +Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
0

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

January 28, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In