Wafdi ka socda xubnaha guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa maanta waxaa ay ku wajahan yihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyagoona halkaasi gar gaar geynaya.
Shalay ayay aheyd markii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha uu sheegay in gurmad ballaaran ay maanta gaarsiin doonaan magaalada Beledweyne halkaas oo dad badan ku dhibaateysan yihiin.
Xubnaha ka tirsan guddiga ayaa waxaa ay deeq gaar siin doonaan dadkii ka barakacay Magaalada Beledweyne, kuwaasi oo xiligan ku dhibaateysan deegaanka Ceel jaale ee gobolkaasi.
Webiyada Shabelle iyo Jubba ayaa fatahaad ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolada dalka, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.