Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo shaacisay in gebi ahaanba la joojiyay isu imaatinada bulshada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir ay isugu yimaaddeen Wasiirada Wasaaradaha qaabilsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka COVID-19 oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble: Warbixin dhammaystiranna lagaga dhegeystay bahda caafimaadka oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Caafimaadka Foosiya Abiikar Nuur iyo khabiirka caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo xaqiijiyey in cudurkii COVID-19 oo si xowli ah ugu fidiyo bulshada.

Sidoo kalena ay tixgeliyeen baaqyada isdaba joogga ah ee ka soo baxaya qaybaha kala duwan ee Bulshada sida culuma’udiinka, ganacsatada, bahda Waxbarashada, aqoonyahanka, indheer garadka, haweenka iyo dhallinyarada, isla markaana ay la tashadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo;

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Waxa ay Xukuumaddu soo saartay amaradan:

  • In la fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe.
  • In gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada.
  • In ay waajib tahay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask
  • In la joogteeyo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir.
  • In la yareeyo isu socodka gobolada iyo safarada laga maarmi karo.
  • In masaajidda oo ah goobo cibaado bulshaduna si joogto ah isugu timaaddo lagu dedaalo kala fogaan, af dabool iyo nadaafadda oo kor loo sii qaado.
  • In Ciidamada amnigu ay u xilsaaran yihiin dhaqan gelinta go’aamadan.
  • Goobaha Waxbarashada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ciyaaraha waxa loo xakamayn doonaa si gaar ah.
  • Adna isu nax, dadkaana u nax.
  • Ilaahay ha inaga badbaadiyo cudurkan kala qaaday ehelkii adduunka isugu jeclaa.

War-Saxaafadeed 17-2021 sx

Previous Post

Dawladda oo amarro cusub ka soo saartay xakamaynta cudurka Karona Fayras

Next Post

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Beladweyne “SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Beladweyne “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Beladweyne “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In