Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamada Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada Hoose in ay kala wareegaan ATMIS in ay halkaas dib uga baxaan.
Tallaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago Wiilal Soomaaliyeed oo dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay.
Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta.