Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo xaqiijisay howlgal lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab (Dhageyso)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Wasiirka Warfaafinta  Oo 20 Saxafiyiin ah tababar u soo xiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in howlgalka ay sida wadar jirka ah u fuliyeen ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada ย uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay horjooge ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka oo u waramay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in howlgalka uu u dhacay sidii la rabay, isla markaana ay dowladdu aaminsantahay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay Horjooge Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“Howlgalka waxa uu ahaa howlgal qorsheysan oo dowladda Federaalka ay u fasaxday ciidamadeena iyo ciidamada aan saaxiibada nahay ee nalaga qeyb qaata ciribtirka Al-Shabaab, ย howlgalka waxa uu ku soo dhamaaday si guul ah, waxaa aad loo bartilmaameedsanayay horjooge ka mid ah kooxaha argagixisada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), waxaana la aaminsanyahay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay horjoogaha lagu bartilmaameedsanayay, walow wixii dheeraad ah laga soo sheegi doono gadaal).

Wasiirka Eng, Yariisow ayaa xusay in horjoogaha howlgalka lagu bartimaameedsaday uu argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada ka dhaca caasimadda, isagoo intaa ku daray in tallaabada ay qaadeen ciidamada ay tahay guul u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed.

Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalka laga fuliyay deegaanka Toora toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose uu ka duwanaa howlgaladii hore, isla markaana uu ujeedku yahay in howlgallada lagu ugaarsanayo argagixisada ay ahaadaan kuwa qorsheysan oo aan wax dhib ah ka soo gaarin shacabka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliya deegaanno ka tirsan Gobollada dalka, kuwaasi oo bartilmaameedsaday argagixisada Al-Shabaab ee inta badan dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka dhageysoย 

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/08/Wasiirka-Warfaafinta-oo-ka-hadlay-howlgalka-lagu-qaarajiyay-horjooge-ka-tirsan-Al-Shabaab-.mp3
Previous Post

Wasiirka Waxbarashada iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Sudan “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud G/Benaadir oo ka hadlay xafiis cusub oo ay u fureen dadka isku heysta dhulalka “Dhageyso”

Next Post
Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud G/Benaadir oo ka hadlay xafiis cusub oo ay u fureen dadka isku heysta dhulalka “Dhageyso”

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud G/Benaadir oo ka hadlay xafiis cusub oo ay u fureen dadka isku heysta dhulalka "Dhageyso"

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In