Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Oo Xaqiijisay Inay Kordheen Xaaladaha COVID-19 Iyo Tirada Dadka U Geeriyooday

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Oo Xaqiijisay Inay Kordheen Xaaladaha COVID-19 Iyo Tirada Dadka U Geeriyooday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa xaqiijisay in laba ruux oo kamid ah dadkii uu ku dhacay COVID-19 ay geeriyoodeen, 19 xaalada cusubna ay soo kordheen.

Wasiirka ayaa sheegtay in guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaani ay noqdeen 135 ruux. Dadka gudaha dalka ugu geeriyooday cudurkaan guud ahaan waa todoba ruux.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay warbixinteeda ku sheegtay inay socdaan qorshayaal iyo dadaallo wadajir ah oo lagu doonayo in sida ugu habboon looga hor tago khatarta cudurkaan, waxayna bulshada mar kale ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), oo isna ka hadlay qorshaha xakameynta COVID-19 ayaa caddeeyay in dowladdu ay bedeshay qaabkii loo aasi jiray dadka u geeriyooda COVID-19, lana diyaariyay kooxo gaar ah oo ka shaqeeya aasidda meydadka, taas oo qayb ka ah dadaalka loogu jiro horumarinta daryeelka bulshada.

Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad siineysa ka shaqeynta bed-qabka bulshada, ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta faafitaanka iyo saameynta cudurkaan dhibaatada badan ku haya caalamka.

Previous Post

Guddoomiye Ibraahim Dheere oo xafiiskiisa ku soo dhaweeyay carruur uu dhalay Marxuum Cumar Shooli+Sawirro

Next Post

Wasiir Oomaar oo ka tacsiyadeeyay geerida G/sare Ducaale Ganaani

Next Post
Wasiir Oomaar oo ka tacsiyadeeyay geerida G/sare Ducaale Ganaani

Wasiir Oomaar oo ka tacsiyadeeyay geerida G/sare Ducaale Ganaani

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In