Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Qatar oo Gaadiid ku Wareejisay Dowladda Soomaaliya+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Qatar oo Gaadiid ku Wareejisay Dowladda Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Gaadiidkan oo isugu jira 30 Bas iyo Labo Wiish oo ah nooca Badeecooyinka ka dajiya Maraakiibta ayaa Maanta Dowladda Qatar waxay ku wareejisay Dowladda Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in lagu dardar galiyo howlaha Gobalka Banaadir iyo Dekadda Muqdisho.

Madasha lagu wareejinayay Gaadiidkan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo), Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud (Washington), Guddoomiye ku xigeenka howlaha Guud ee Gobalka Banaadir iyo Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Qatar ee Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya ,Xasan Xamsa Asad Haashim, ayaa qalabkan ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha, isagoo wasiirkuna uu kusii wareejiyay maamulka Dekedda iyo kan Gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Banaadir iyo kan Dekada Muqdisho ayaa Dowlada Qatar kaga mahad celiyay Gawaaridan ay ugu deeqday Dowladda Soomaaliya, waxaanay sheegeen in Kaalin wanaagsan ay ka qaadan doonaan adeegyada Gobalka iyo Dekadda.

Wasiir ku xigeenka Dekada Cismaan Daallo oo Goobta lagu wareejinayay Gawaarida ka hadlay ayaa in Dowlada Qatar ay ka mid tahay Dowladaha garab istaagay Soomaaliya, Abaal badana ay dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda kaga hayaan Mashaariicda iyo Howlaha kale oo ay kaga qeyb qaadaneyso dib u dhiska dalka, Gaadiidkana wuxuu sheegay inay wax badan ka tari doonaan adeegyada Dekada iyo Gobalka.

Dhinaca kale Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Wiishashkan ay wax weyn ka tari doonaan habsami u socodka howlaha Dekedda Muqdisho, isagoo ugu mahad celiyay Dowladda Qatar oo Gaadiidkan ugu deeqday Soomaaliya.

Mudane; Washington ayaa sidoo kale sheegay in Wiishashkan oo uu mid ka mid ah qaadi karo 100 Tan, halka kan kalana uu qaadi karo 63 Tan oo culays ah, kuwaasoo fududeyn kara baahiyaha ka jira Dekedda Muqdisho.

Waa markii Labaad oo Laba Bilood gudahood ay Dowladda Qatar ku wareejisay Soomaaliya Deeq Gaadiid ah, taasoo qayb ka ah howlaha gargaarka iyo taakulaynta ay Qatar la garab taagan tahay Soomaaliya.

Previous Post

Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika

Next Post

Wasaaradaha Arrimaha Gudaha XFS iyo tan K/Galbeed oo tababar u furay Golaha Deegaanka Magaalada Xudur+sawirro

Next Post
Wasaaradaha Arrimaha Gudaha XFS iyo tan K/Galbeed oo tababar u furay Golaha Deegaanka Magaalada Xudur+sawirro

Wasaaradaha Arrimaha Gudaha XFS iyo tan K/Galbeed oo tababar u furay Golaha Deegaanka Magaalada Xudur+sawirro

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In