Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo gaaray magaalda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisu yahay qiimeynt ย barnaamijka Baxnaano oo dowladda Soomaaliya ugu talo gashay in lagu taageero muwaadiniinta nugul ee danyarta ah.
Wasiirka ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano ee lagu taageerayo dadka danyarta ah uu ka socdo dhammaan dowlad goboleedyada dalka.
โWaxaan gaaray magaalada Baydhabo anniga iyo wafdi ka socda Wasaaradda, ujeeddada socdaalka waxay la xiriirtay qiimeynta Barnaamijka Baxnaano ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo uu daahfuray 18 bishii April ee sannadkan 2020ka. Barnaamijkan oo Dowladda Soomaaliya ku taageerayso Muwaadiniinta nugul, wuxuu si isku mid ah ugu socdaa dhammaan Dowlad-gobolleedyada Dalkaโayuu yiri wasiir Sadiiq.
Wasiir Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya taageero dhaqaale oo soo kabasho ah siineyso muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah dalka.
โWaxaa kalo sharaf inoo ah Dowladda Soomaaliya inay taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siinayso Muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsadday qaybo ka mid ah Dalka, arrintan oo qayb ka ah socdaalka Baydhaboโayuu yiri wasiir Warfaa.