Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dhacdadii Degmada Heliwaa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynaysaa dhacdadii ka dhacday degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir 6dii Nofeembar 2018ka, taas oo ay ku lug lahaayeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayna ku naf waayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku wargelinaysaa Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya in si degdeg ah loo soo dhammeystiro baaritaanka dhacdadan, loona hor keeno sharciga cid kasta oo ay ku caddaato in ay ku lug lahayd. Dowladda Soomaaliya waxa ay billaabeysaa baaritaan gaar ah oo la xiriira dhacdadan.

Inkasta oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya garowsantahay duruufaha ay ku shaqeeyaan ciidamada dalalka aan walaalaha nahay ee kamidka ah hawlgalka AMISOM iyo dhiigga ay ku bixinayaan nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, haddana waajibka ugu horreeya ee dowladda Soomaaliya waa ilaalinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Goleyaasha Dowladda waxa ay tacsi u dirayaan ehelada dadkii ku geeriyooday dahcdadan, waxa ayna farayaan hay’adaha ay quseyso la socoshada iyo daryeelka caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay.

 

—DHAMMAAD—-

 

Previous Post

Ilhan Omar and Rashida Tlaib Just Became the First Muslim Women Elected to Congress

Next Post

The Banadir Regional Administration has today presented it’s plans to develop the Capital city

Next Post

The Banadir Regional Administration has today presented it's plans to develop the Capital city

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In