Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya Oo Faahfaahin Ka Bixisay Duqeyn Cirka Ah Oo Lagu Dilay Horjooge Ka tirsan Al-Shabaab “WAR SAXAAFADEED”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
10 ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Baay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka AFRICOM ee Dowladda Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ka gaystay agagaarka Kurtunwaarrey ee ku taalla Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya.

Duqeynta ayaa lala eegtay mid ka mid (1) ah argagaxisada Al-Shabaab, isla markaana lagu dilay. Ninkan la dilay ayaa ku caanbaxay diyaarinta qaraxyada isaga oo ku hawlanaa diyaarinta miinooyinka lagu aaso wadooyinka ay isticmaalaan gawaarida dadweynaha.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dowladda Soomaaliyeed iyo ciidanka AFRICOM aad ayay uga taxadaraan waxyeello soo gaadha dadka shacabka ah inta lagu gudajiro la dagalaanka kooxda argagaxisada Alshabaab, iyada oo si hufan loo baarayo eedaymaha soo baxa. Duqeyntan imanka dhacday hubintii la sameeyey ma jirto cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku dhaawacantay.

Duqeyntan ayaa qayb ka ah dadaalo wadajira ee ciidanka gaarka ah ee Danab ayaa gacan ka helay ciidamada AFRICOM ee Mareynka si meesha looga saaro gaboodfallada Alshabaabka ee quuta dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, si mustaqbal ifiya loogu helo dadka Soomaaliyeed.

Ciidanka Qaranka ee Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda Dowladda Mareykanka iyo isbahaysiga la jaalka ah ayay ka go’antahay dagaalka lagu ciribtirayo argagaxisada Alshabaab si looga hortago dilalka ay ku hayaan ragga, dumarka iyo carruurta ku nool dalka Soomaaliya iyo dowladaha deriska la ah Soomaaliya. Dadaallada aynu ku ilaalinayno waxyeellada soo gaadha shacabka iyo u turidda aynu sammeyno ayaa uga fog weerarrada ay Alshabaab la eegtaan goobaha shacabka ku badanyihiin si aan kala sooc lahayn.

Somalia. Duqeyntan loo gaystay Alshabaab ayaa caddeyn u ah in Alshabaab meel ay isku qarin karaan jirin. DFS iyo Ciidanka AFRICOM  ee Mareynkan ayaa go’aan adag ku qaatay inay jabiyaan kuwa argagaxiya shacabka Soomaaliyeed. DFS oo garabsanaysa Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaadeysa dowladda wanaagga iyo horumarinta dhaqaalaha iyada gaaashaanka loo daruurayo doonitaanka Alshabaab ay ku rabaan in ay isballaariyaan si ay u dhoofiyaan qarbudaada ay caanka ku yihiin.

 

Previous Post

Federal Government of Somalia, U.S. conduct airstrike against Al-Shabaab terrorists

Next Post

Heshiiska Shirka Madaxda Dowladda Federalka & Dowlad Goboleedyad Iyo Gobolka Banadir

Next Post
Heshiiska Shirka Madaxda Dowladda Federalka & Dowlad Goboleedyad Iyo Gobolka Banadir

Heshiiska Shirka Madaxda Dowladda Federalka & Dowlad Goboleedyad Iyo Gobolka Banadir

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In