Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Hay’adda FAO kala wareegtay diyaarado lagula dagaalamo Ayaxa+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Hay’adda FAO kala wareegtay diyaarado lagula dagaalamo Ayaxa+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta wasaaradda beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa juhdi badan ku bixiyey sidii Soddon sano kadib ay Soomaaliya u heli laheyd diyaaradahaan loogu talo galay in lagu buufiyo Ayaxa si loo soo afjaro dhibaatada uu ku haya beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudantahay inuu xilliyadii dambe baabi,iyey dalagyo badan.

Xaflad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha, islamarkaana ciwaan looga dhigay Daahfurka ololaha buufinta hawada ee Ayaxa waxaa ka qeyb-galay wasiiro, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, masuuliyiin ka socday xafiiska Ra,iisul wasaaraha iyo xubno ka socday hay’adda beeraha u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid Ayaa sheegay in ayaxa uu busiibo ku noqday beeraleyda, isla-markaana diyaaradahan oo  xambarsan Kiimiko dabiici ah oo an wax dhibaato ah u geysan doonin aadanaha iyo xoolaha ay ugu talogaleyn inay kusoo afjaraan dhibaatada  Ayaxa.

“Diyaaradahaan iyo daawada ay wadaan wax dhibaato uam geysanayaan dadka iyo duunyada sida xoolaha waana guul usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed oo ka maqneed muddo kabadan 30 sano”sidaas waxaa yiri wasiirka beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada  Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay qeyb ka noqdaan dadaalada ay wasaaradda beeraha kula dagaalameyso  ayaxa oo dhibaato weyn u geystay beeraleysa Soomaaliyeed.

“Waan bogaadineynaa shaqada ay heyso wasaaradda beeraha hase ahaatee qeyb-teyna isticmaalka gadiidka hawada waan kala shaqeyneynaa si dalka looga saaro dhibaatada uu ku haayo ayaxa kaasi oo waxyeelo ugeystay dalagyo farabadan oo xoog iyo maalba ka galay beeraleyda Soomaaliya “ayuu yiri wasiir oomaar.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka mid ah  guddiga beeraha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in talaabadaan ay qaaday wasaarada beeraha ay guul weyn u tahay beeraleyda Soomaaliyeed oo dhibaato xoogan kala kulmay Ayaxa oo la sheegay inuu yahay kii ugu xumaa oo ay wajahdo muddo Soddon sano ah kadib.

“Waa guul weyn oo usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed maxaa yeelay hadiiba qalabkaan la keenay waxa uu waxbadan ka qaban karaa saameynta iyo dhibaatada uu abuuray ayaxa waayo waxa uu waxyeelo u geystay wax soo saaraka dalka anagoo awal hore aheyn dal aan awood badan laheyn” ayuu ku daray xildhibaan Sakeriye xaaji Cabdi.

Tags: Xukumadda Soomaaliya oo Hay’adda FAO kala wareegtay diyaarado lagula dagaalamo Ayaxa
Previous Post

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Next Post

Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Dalka Laga Diiwaan Geliyay 24-kii Saac Ee Ugu Dambeeyay “SAWIRRO”

Next Post
Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Dalka Laga Diiwaan Geliyay 24-kii Saac Ee Ugu Dambeeyay “SAWIRRO”

Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Dalka Laga Diiwaan Geliyay 24-kii Saac Ee Ugu Dambeeyay “SAWIRRO”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In