Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Hay’adda FAO kala wareegtay diyaarado lagula dagaalamo Ayaxa+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Hay’adda FAO kala wareegtay diyaarado lagula dagaalamo Ayaxa+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta wasaaradda beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa juhdi badan ku bixiyey sidii Soddon sano kadib ay Soomaaliya u heli laheyd diyaaradahaan loogu talo galay in lagu buufiyo Ayaxa si loo soo afjaro dhibaatada uu ku haya beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudantahay inuu xilliyadii dambe baabi,iyey dalagyo badan.

Xaflad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha, islamarkaana ciwaan looga dhigay Daahfurka ololaha buufinta hawada ee Ayaxa waxaa ka qeyb-galay wasiiro, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, masuuliyiin ka socday xafiiska Ra,iisul wasaaraha iyo xubno ka socday hay’adda beeraha u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid Ayaa sheegay in ayaxa uu busiibo ku noqday beeraleyda, isla-markaana diyaaradahan oo  xambarsan Kiimiko dabiici ah oo an wax dhibaato ah u geysan doonin aadanaha iyo xoolaha ay ugu talogaleyn inay kusoo afjaraan dhibaatada  Ayaxa.

“Diyaaradahaan iyo daawada ay wadaan wax dhibaato uam geysanayaan dadka iyo duunyada sida xoolaha waana guul usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed oo ka maqneed muddo kabadan 30 sano”sidaas waxaa yiri wasiirka beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada  Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay qeyb ka noqdaan dadaalada ay wasaaradda beeraha kula dagaalameyso  ayaxa oo dhibaato weyn u geystay beeraleysa Soomaaliyeed.

“Waan bogaadineynaa shaqada ay heyso wasaaradda beeraha hase ahaatee qeyb-teyna isticmaalka gadiidka hawada waan kala shaqeyneynaa si dalka looga saaro dhibaatada uu ku haayo ayaxa kaasi oo waxyeelo ugeystay dalagyo farabadan oo xoog iyo maalba ka galay beeraleyda Soomaaliya “ayuu yiri wasiir oomaar.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka mid ah  guddiga beeraha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in talaabadaan ay qaaday wasaarada beeraha ay guul weyn u tahay beeraleyda Soomaaliyeed oo dhibaato xoogan kala kulmay Ayaxa oo la sheegay inuu yahay kii ugu xumaa oo ay wajahdo muddo Soddon sano ah kadib.

“Waa guul weyn oo usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed maxaa yeelay hadiiba qalabkaan la keenay waxa uu waxbadan ka qaban karaa saameynta iyo dhibaatada uu abuuray ayaxa waayo waxa uu waxyeelo u geystay wax soo saaraka dalka anagoo awal hore aheyn dal aan awood badan laheyn” ayuu ku daray xildhibaan Sakeriye xaaji Cabdi.

Tags: Xukumadda Soomaaliya oo Hay’adda FAO kala wareegtay diyaarado lagula dagaalamo Ayaxa
Previous Post

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Next Post

Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Dalka Laga Diiwaan Geliyay 24-kii Saac Ee Ugu Dambeeyay “SAWIRRO”

Next Post
Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Dalka Laga Diiwaan Geliyay 24-kii Saac Ee Ugu Dambeeyay “SAWIRRO”

Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Dalka Laga Diiwaan Geliyay 24-kii Saac Ee Ugu Dambeeyay “SAWIRRO”

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In