Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka oo iskaashanaya ayaa duqeynka cirka ah ugu gaystay xagjiriinta Alshabaab meel u dhaw tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose .

Duqeyntan oo aad looga soo baaraandagay ayaa lagu dilay afar(4) ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

DFS iyo Ciidamada AFRICOM ayaa qaadaya tallaabooyin muhiim ah oo looga gol-leeyahay ilaalinta nolosha dadka shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka Alqaacida iyo dabadhilifkooda Alshabaab, iyada oo si hufan loo baarayo eedayn walba oo lasoo wariyo. Ilaa hadda hubintii la sameeyey ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay dhaawac iyo dhimasho midna.

Duqeyntaan ayaa ah mid lagu bartilmaameydsanayo argagaxisada si DFS  ay meesha uga saarto gaboodfallada Alshabaab islamarkaana shacabka Soomaaliyeed u helaan mustaqbal wanaagsan

Way ka go’antahay Dawladda Federaalka Soomaaliya ciidamaddeeda kala duwan ee Xoogga Dalka, Danab iyo bahwadaagooda Mareykanka la dagaalanka argagaxisada Alshabaab si loo baajiyo waxyeelada ay u gaysanayaan shacabka aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruur oo ku dhaqan Soomaaliya iyo deriskeedaba. Dadaaladan aan ku dhawreenno shacabka iyo ilaalinta ayaa ka geddisan weerarrada fuleynimada ah ee aan loo meeldayin oo Alshabaab kula kacaan meelaha ay shacabka ku badanyihiin ee Soomaaliya.

Weerarkan ayaa imanaya ka gadaal markii ciidanka Xoogga Dalka oo fadhigoodu yahay Ceel Salini ay jabiyeen weerarkii argagaxisada Alshabaab ee kusoo qaadeen xeradooda militari.

Ku dhawaad 30 argagaxisada Ashabaab ayaa isku dayay in ay cagtamariyaan xerada militari ee halkaa dhacda, hayeeshee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jab u gaystay.

Ma jirin cid ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo wax ku noqatay weerarkaa.  Tan ayaa waxay tusaale cad u tahay sida awoodda isdifaacidda Ciidanka Xoogga u sii kordhayso marka loo eego dagaalka ay kula jiraan argagaxisada Alshabaab

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Abaalmarinno guddoonsiiyay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda+Sawirro

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In