Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo markale dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal ku xirnaa Liibiya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo markale dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal ku xirnaa Liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro tahriibayaal ah, kuwaasi oo muddo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Dhallinyarada oo gaaraya 14 qof waxa ay ka kala tahriibeen Muqdisho, Garowe, Hargeysa iyo Jigjiga,  iyagoo dhawr sano ku xirnaa Xabsiyo kuyaala dalka Liibiya, halkaasoo ay ku heysteen kooxaha Dadka qafaasha ee Magafayaasha ah.

Waxaana maanta Nasiib ay u yeesheen inay dib dalkooda ugusoo laabtaan kadib markii ay arintaas Dadaal wayn ugashay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Danjire Maryam Yaasiin oo ah Ergeyga gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha.

Markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa si heer sare ah usoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Madaxda Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo barakacayaasha, guddiga dib usoo celinta Tahriibayaasha ee Dowlada  iyo  Wakiilo matalayey hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM.

Qaar kamid ah dhallinyaradi soo noqday maanta oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dib ugusoo laabashada dalkooda, iyagoo u mahadceliyey Madaxda Qaranka  iyo  Ambassador Maryan Yaasiin Doorkooda Ku aadan soo sii deyntooda. waxayna ka sheekeen dhibaatadii ay kalasoo kulmeen Dalka Libiya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhalinyaro tahriibayaal ah lagusoo celiyo Dalkooda hooyo, waxaana ka horeeyey dhalinyaradan kuwa  oo kale oo tahriibayaal ah kuwaasoo Dowlada Soomaaliya ay dadaal wayn ugashay sidii ay ugasoo sii deyn laheyd Xabsiyada Dalka Liibiya.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Hadlay Shirka Garowe Uga Socda Madaxda DFS iyo Madaxda Dawlad Gobaleedyada

Next Post

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In