Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo safaaradda Kenya ee Soomaaliya ku wareejisay muwaadin Kenyan ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa si wada jir ah ugu wareejiyay safaaradda Kenya ee Soomaaliya muwaadin u dhashay dalka Kenya oo ay ciidamada Nabad sugidda ka soo furteen kooxaha burcad badeed Soomaali ah.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Amniga gudaha iyo Arrimaha dibadda ay ku wareejiyeen diblomaasi ka tirsan dowladda Kenya, muwaadin u dhashay dalka Kenya, kaasi oo ay burcad badeed Soomaaliyeed afduub ahaan u heysteen.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026

Ciidanka Nabadsugidda ee maamul goboleedka Galmudug ayaa xilli habeen ah xoog uga soo furtay kooxo burcad badeed Soomaali ah, waxaana ay ku soo wareejyeen dowladda.

James oo ah muwaadinka u dhashay dalka Kenya ee laga soo furtay burcad badeedda ayaa tilmaamay in 15 bilood ay afduub ahaan u heystaan kooxaha burcad badeedda, waxaana uu mahadcelin u jeediyay Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

“Magaceyga waa James, waxaana u dhashay dalka Kenya muddo 15 bilood ayaan gacanta ugu jiray kooxaha burcad badeedda, weerar ciidanka NISA ay soo qaadeen xilli habeen ah ayaa la igu soo badbaadiyay” ayuu yiri James.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Amniga gudaha iyo Arrimaha dibadda ayaa ciidanka amniga uga mahadceliyay tallaabada ay ku soo furteen muwaadinka u dhashay dalka Kenya.

Diblomaasi ka tirsan safaaradda Kenya ee Soomaaliya ayaa dowladda uga mahadceliyay sida loo soo badbaadiyay muwaadinkan, waxaana uu codsaday in ciidanku ay markale soo furtaan gabar u dhalatay dalka Kenya oo gacanta ugu jira.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Yoweri Museveni oo guuleystay

Next Post
Yoweri Museveni oo guuleystay

Yoweri Museveni oo guuleystay

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

March 13, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka...

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In