Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in dib loo furayo duulimaadyada gudaha bilawga todobaadka soo socdo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in dib loo furayo duulimaadyada gudaha bilawga todobaadka soo socdo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

28 bishii Maarso ee sanadkaan 2020 ayay aheyd markii la hakiyay diyaaraha isaga kala goosha gudaha dalka  si looga hortago faafidda cudurka safmarka ah ee COVID-19. waxaana kulan ay maanta isugu yimaadeen Wasiiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Aadan Isaaq, madax ka socotay Xafiiska Madaxweynaha, ururka diyaaradaha iyo sidoo kale Shirkadaha duulimaadyada ayaa lagu shaaciyay in dib loo furi doono duulimaadyada gudaha dalka iyadoo la ilaalinaya sharuucda caafimaadka.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inay sameeyeen shuruuc lagu hagayo dadka safrayo si loo adkeeyo dadaalada lagu xakameynayo cudurka Karoona.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka  Axmed Macali Xasan iyo Xasan Xaashi  Muxumed guddoomiyaha Guddiga adeegga diyaaradaha ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen dib u furista duulimaadyada dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Aadan Isaaq ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarisay fariimo wacyigelin ah oo looga digayo qatarta cudurka COVID-19 dhawaana ay ku wareejin doonaan maamulka garoonka diyaaradaha si bulshada ay ula socdaan fariimahaas.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa shaaciyay in bilawga todobaadka soo socdo dib loo furi doono duuliyaadyada gudaha.

Dhinaca kale Wasiirka Gadiidka iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa kormeeray sida loo dhaqan galiyay sharuucda lagu hagayo dadka safrayo laga bilaabo hoolka Sahal oo ah halka marka ugu hore uu ka bilaabanayo safarka, gelista garoonka iyo sidoo kale ka bixintaanka, iyadoo ay marayaan ilaa shan baaritaan.waxaana sidoo kale la isku raacay in maalintii ay bixi karaan shan diyaaradood oo aadaya shanta maamul goboleedka taasi oo ay isku raaceen Wasaaradda, Hay’adda Duulista Rayidka, maamulka garoonka iyo ururda diyaaradaha matalayay.

 

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga oo la shiray guddiga horumarinta wax soo saarka  

Next Post

Taliska Booliiska Matabaan iyo Dhalinyarada Degmada ka wada shaqeynaya Sugidda Amniga

Next Post
Taliska Booliiska Matabaan iyo Dhalinyarada Degmada ka wada shaqeynaya Sugidda Amniga

Taliska Booliiska Matabaan iyo Dhalinyarada Degmada ka wada shaqeynaya Sugidda Amniga

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In