Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay guulo ka gaartay soo deynta Maxaabiista ku xiran Caalamka

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay guulo ka gaartay soo deynta Maxaabiista ku xiran Caalamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa sheegay inay Dowladdu guulo la taaban karo ka gaartay soo deynta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirta qaar ka mid ah waddamada Caalamka.

Mudane; Muqtaar Mahad Daaโ€™uud, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda oo u warramay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay inay muddadii 10-ka bilood ahayd ee ay xafiiska joogeen soo daayeen Maxaabiistii ugu badnayd ee xabsiyo caalamka laga soo daayo.

Wuxuuna intaa ku daray in 117 Maxbuus oo ku jiray jeelasha Hindiya laga soo daayay dhammaantood, iyadoo 76-kii Qof ee ugu dambaysay lagu soo celiyay Dalka Todobaadkii tagay, waxanay maxaabiistani noqonaysaa tii ugu badnayd ee Xabsiyada caalamka laga soo daayo sida uu sheegay Wasiirku.

Dalalka Seychels, Itoobiya iyo Liibiya ayuu sidoo kale sheegay inay kasoo daayeen Maxaabiis aad u fara badan, haatanna ay socdaan dedaallo baaxad leh oo lagu soo dhammaytirayo inta ku harsan xabsiyada Caalamka.

โ€œDowladda Nabad iyo Nolol Barnaamijkeeda waajibaadkeeda koobaad buu ahaa Dadka Soomaaliyeed ee ku xir-xiran dibedaha in laga war doono, inta lasoo deyn karana lasoo daayo, welina way innoo socotaaโ€ ayuu yiri Wasiirku.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Dalka Liibiya Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran ay qaarkood Gacanta ugu jiraan Malleeshiyaad aan cidina ka ammar qaadan, kuwaas oo uu nidaamka Dowliga ahi dartii saamaxayn in lala gor-gortanno.

Wuxuuna Wasiirku sheegay inay fududeynta arrintaasi ay la kaashadaan Hayโ€™ado Caalami ah oo ay ka mid yihiin Hayโ€™adda socdaalka Adduunka u qaabbilsan ee IOM iyo laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Mudane; Muqtaar ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen dedaalladii loogu jiray soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugnaa Dalka Yemen , wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay sii wadi doonaan howlihii socday, maaddaama buu yiri ay halkaasi ka jiraan colaado, balse ay arrintaasi Gacanta ku wada hayaan Hayโ€™adda Qaxootiga Caalamka UNHCR , Hayโ€™adda Qaxootiga Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in Soomaalida ku nool Dalka Koofur Afrika oo marar badan la kulmay weerarro Isir nacayb ah ay qayb ka tahay dhibaatada lagu hayo Ajanabiga ku Nool Dalkaas, wuxuuna sheegay inay Wasaaraddoodu dhawaan booqan doonto si gabbood fallada ka dhanka ah Soomaalida loo yareeyo.

Previous Post

The mayor of Mogadishu opened the self-reliance program for helping the IDPโ€™s

Next Post

Duqa Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta xiriirka labada dhinac “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta xiriirka labada dhinac “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta xiriirka labada dhinac "SAWIRRO"

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In