Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay guulo ka gaartay soo deynta Maxaabiista ku xiran Caalamka

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay guulo ka gaartay soo deynta Maxaabiista ku xiran Caalamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa sheegay inay Dowladdu guulo la taaban karo ka gaartay soo deynta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirta qaar ka mid ah waddamada Caalamka.

Mudane; Muqtaar Mahad Daa’uud, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda oo u warramay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay inay muddadii 10-ka bilood ahayd ee ay xafiiska joogeen soo daayeen Maxaabiistii ugu badnayd ee xabsiyo caalamka laga soo daayo.

Wuxuuna intaa ku daray in 117 Maxbuus oo ku jiray jeelasha Hindiya laga soo daayay dhammaantood, iyadoo 76-kii Qof ee ugu dambaysay lagu soo celiyay Dalka Todobaadkii tagay, waxanay maxaabiistani noqonaysaa tii ugu badnayd ee Xabsiyada caalamka laga soo daayo sida uu sheegay Wasiirku.

Dalalka Seychels, Itoobiya iyo Liibiya ayuu sidoo kale sheegay inay kasoo daayeen Maxaabiis aad u fara badan, haatanna ay socdaan dedaallo baaxad leh oo lagu soo dhammaytirayo inta ku harsan xabsiyada Caalamka.

“Dowladda Nabad iyo Nolol Barnaamijkeeda waajibaadkeeda koobaad buu ahaa Dadka Soomaaliyeed ee ku xir-xiran dibedaha in laga war doono, inta lasoo deyn karana lasoo daayo, welina way innoo socotaa” ayuu yiri Wasiirku.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Dalka Liibiya Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran ay qaarkood Gacanta ugu jiraan Malleeshiyaad aan cidina ka ammar qaadan, kuwaas oo uu nidaamka Dowliga ahi dartii saamaxayn in lala gor-gortanno.

Wuxuuna Wasiirku sheegay inay fududeynta arrintaasi ay la kaashadaan Hay’ado Caalami ah oo ay ka mid yihiin Hay’adda socdaalka Adduunka u qaabbilsan ee IOM iyo laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Mudane; Muqtaar ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen dedaalladii loogu jiray soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugnaa Dalka Yemen , wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay sii wadi doonaan howlihii socday, maaddaama buu yiri ay halkaasi ka jiraan colaado, balse ay arrintaasi Gacanta ku wada hayaan Hay’adda Qaxootiga Caalamka UNHCR , Hay’adda Qaxootiga Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in Soomaalida ku nool Dalka Koofur Afrika oo marar badan la kulmay weerarro Isir nacayb ah ay qayb ka tahay dhibaatada lagu hayo Ajanabiga ku Nool Dalkaas, wuxuuna sheegay inay Wasaaraddoodu dhawaan booqan doonto si gabbood fallada ka dhanka ah Soomaalida loo yareeyo.

Previous Post

The mayor of Mogadishu opened the self-reliance program for helping the IDP’s

Next Post

Duqa Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta xiriirka labada dhinac “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta xiriirka labada dhinac “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta xiriirka labada dhinac "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In