Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo soo deynaysa 20 Carruur ah oo ka mid ahayd Tahriibayaasha ku xanniban Liibiya “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Dowladda Soomaaliya oo soo deynaysa 20 Carruur ah oo ka mid ahayd Tahriibayaasha ku xanniban Liibiya “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yaraan Labaatan Carruur ah oo ka mid ah Dadka ku jira xeryaha qaxootiga Dalka Liibiya kana soo badbaaday Gacanta tahriibiyeyaasha ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu soo celiyo Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabbilsan xuquuqda tahriibayaasha oo ka mid ah wafdi ay dowladda federaalka u dirtay halkaasi oo safar ku tagay Liibiya iyo Tuniisiya ayaa sheegtay inuu haatan socdo dedaal ku aaddan sidii ay Dhallinyaradaasi dib ugu soo celin lahaayeen Dalkooda.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026

Maryan oo u warrantay Radio Muqdisho ayaa sheegtay inay jiraan carruur badan oo la kulmay dhibaatooyin kala duwan, kuwaasoo qaar ka mid ah ay haatan ku guuleysteen inay soo celiyaan dhawaan, halka inta hadhayna ay waqtiyada xiga soo deyn doonaan.

Ergeyga ayaa intaa raacisay in Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya ay halkaasi ku haysataan tacaddiyo ba’an oo xagga nolosha iyo xorriyaddaba ah.

Maryan ayaa walaac xooggan ka muujisay dhibaatooyinka ba’an ee ay kooxaha magafayaashu u geystaan Dadka Tahriibaya , kuwaasoo intooda badan ku sugan meelo ayan Dowladda Liibiya gacanta ku hayn ama goobo qarsoodi ah iskana qariya laamaha ammaanka.

Dhageyso wareysiga oo dhameystiran

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/02/WAREYSI-ERGEYGA-DOWLADDA-SOOMALIYA-ARRIMAHA-TAHRIIBKA-OO-HA-HADLAY-TAHRIIBAYAAL-LAGA-KENAYO-LIIBIYA-JIMCE-.mp3
Previous Post

Horjooge ka tirsanaa maleyshiyaadka Al shabaab oo isu dhiibay ciidanka Qaranka ee gobolka gedo ku sugan.

Next Post

Dib u dhiska garoomada diyaaradaha ee Hirshabeelle oo laga hadlay

Next Post
Dib u dhiska garoomada diyaaradaha ee Hirshabeelle oo laga hadlay

Dib u dhiska garoomada diyaaradaha ee Hirshabeelle oo laga hadlay

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀πͺ𝐚π₯𝐀𝐚 π’πšπ«πž 𝐨𝐨 π€π§π¬π’π±π’π²πšπ² π’π‘πšπ«πœπ’π πš πƒπšπšπ°πšππš 𝐒𝐲𝐨 π€π πšπ›π€πš π‚πšπšπŸπ’π¦πšπšππ€πš πƒπšπ₯𝐀𝐚

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In