Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo soo deynaysa 20 Carruur ah oo ka mid ahayd Tahriibayaasha ku xanniban Liibiya “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Dowladda Soomaaliya oo soo deynaysa 20 Carruur ah oo ka mid ahayd Tahriibayaasha ku xanniban Liibiya “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yaraan Labaatan Carruur ah oo ka mid ah Dadka ku jira xeryaha qaxootiga Dalka Liibiya kana soo badbaaday Gacanta tahriibiyeyaasha ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu soo celiyo Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabbilsan xuquuqda tahriibayaasha oo ka mid ah wafdi ay dowladda federaalka u dirtay halkaasi oo safar ku tagay Liibiya iyo Tuniisiya ayaa sheegtay inuu haatan socdo dedaal ku aaddan sidii ay Dhallinyaradaasi dib ugu soo celin lahaayeen Dalkooda.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Maryan oo u warrantay Radio Muqdisho ayaa sheegtay inay jiraan carruur badan oo la kulmay dhibaatooyin kala duwan, kuwaasoo qaar ka mid ah ay haatan ku guuleysteen inay soo celiyaan dhawaan, halka inta hadhayna ay waqtiyada xiga soo deyn doonaan.

Ergeyga ayaa intaa raacisay in Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya ay halkaasi ku haysataan tacaddiyo ba’an oo xagga nolosha iyo xorriyaddaba ah.

Maryan ayaa walaac xooggan ka muujisay dhibaatooyinka ba’an ee ay kooxaha magafayaashu u geystaan Dadka Tahriibaya , kuwaasoo intooda badan ku sugan meelo ayan Dowladda Liibiya gacanta ku hayn ama goobo qarsoodi ah iskana qariya laamaha ammaanka.

 

Dhageyso wareysiga oo dhameystiran

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/02/WAREYSI-ERGEYGA-DOWLADDA-SOOMALIYA-ARRIMAHA-TAHRIIBKA-OO-HA-HADLAY-TAHRIIBAYAAL-LAGA-KENAYO-LIIBIYA-JIMCE-.mp3
Previous Post

Horjooge ka tirsanaa maleyshiyaadka Al shabaab oo isu dhiibay ciidanka Qaranka ee gobolka gedo ku sugan.

Next Post

Dib u dhiska garoomada diyaaradaha ee Hirshabeelle oo laga hadlay

Next Post
Dib u dhiska garoomada diyaaradaha ee Hirshabeelle oo laga hadlay

Dib u dhiska garoomada diyaaradaha ee Hirshabeelle oo laga hadlay

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In