Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay dadaalka lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka.

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay dadaalka lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Intii uu socday Shirkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalaa Dahraan ee dalka Sacuudiga,waxaa dhinac socday dadaalo lagu dhex dhexaadinayay dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa mugdiga soo kala dhex galay labada dowladood.

Diblomaasiyiin ka socday labada dowladood iyo Jaamacadda Carabta ayaa dhowr mar kulmay waxa ayna isla falanqeeyeen sidii loo dhammeyn lahaa xiisadda taagan, Dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in ay soo dhaweynayso wada xaajood walba oo lagu dhammeynayo is faham waaga, iyada oo la ilaalinayo madaxbanaanida lana xushmeynayo xiriirka labada wadan, sida ay SONNA u xaqiijiyeen diblomaasiyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Garwadeenada wada hadalka ee ka socday Jaamacada carabta ayaa sheegay in horumar fiican laga sameeyay wada hadalka, labada dhinacna ay muujiyeen isu soo dhowaasho, waxayna u ballameen fadhiyo kale si loo soo afjaro xiisadda labada dowladood ka dhex taagan.

War-saxaafadeed ay horrey usoo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyey sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya Imaaaraadka iyo in Soomaaliya ay diyaar u tahay in meesha laga saaro is afgaran waaaga labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya sidoo kale waxa ay sheegtay in xiriir soo jireen ah ay la leedahay Imaaaraadka ayna muhiim tahay in uu sii jiro xiriirkaas, maadaama labada dal wadaagaan iskaashi dhinaca ganacsiga ah sidoo kalana ay ka dhexeeyaan dano badan.

Previous Post

“Waxaan 130 Km uga imaadaa in aan Waxbarasho helo”+Sawirro

Next Post

President Farmajo returns home Back

Next Post
President Farmajo returns home Back

President Farmajo returns home Back

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In