Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo tallaabadii koowaad u qaaday barnaamijka deynta looga cafinayo

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo tallaabadii koowaad u qaaday barnaamijka deynta looga cafinayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadaal badan ka dib Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay tallaabadii koowaad ee Hey’adda Lacagta Aduunka IMF ay deymaha ugu cafineyso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa buuxisay shuruudii koowaad ee barnaamijka SMP oo ay horay Wasaaradda Maaliyada ula saxiixatay Hey’adda IMF.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxman Ducaale Beyle ayaa sheegay in wax badan ay suurta galeen Saddexdii bil ee la soo dhaafay, iyadoo lagu guuleysatay inay soo xareyso dowladda dakhliga gudaha ee looga baahnaa mudadaas oo ahaa lacag gaareysa 41-milyan oo dollar.

Mudane C/raxman Ducaale Beyle ayaa sheegay in dadaalada lagu kordhinayo dakhliga gudaha la sii badin doono, si loogu adeego dalka iyo dadka, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in daymaha kale laga cafiyo Soomaaliya.

Sanadkan gudihiisa ayaa dowladda Soomaaliya looga fadhiyaa inay ku buuxiso shuruudaha kale u harsan ee Barnaamijka SMP, kaasoo ah jidkii deymaha looga cafin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda Beyle, Wasiir kuxigeenka iyo Mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda.

Previous Post

AMISOM kick starts registration of the Darwish militia in Jubbaland state

Next Post

Municipality of Mogadishu opens today National Competitive bid on rehabilitation of public service offices in 6 districts in Banadir.

Next Post
Dawladda Hoose ee Muqdisho oo maanta furtay tartan Qandaraas oo lagu dayactiraayo ilaa 6 xafiisyo ee Degmooyinka Gobolka Benaadir+Sawirro

Municipality of Mogadishu opens today National Competitive bid on rehabilitation of public service offices in 6 districts in Banadir.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In