War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah in ay Mar kale weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Alshabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.
Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-
“Ciidmaada Qaranka oo taageero Ka helaya Mareykanka ayaa markale maanta hawlgal Ka dhan ah Alshabaab Ka fuliyay Gobalka Mudug.
Hawlgakaan ayaa qayb Ka ah dadaalka ay Dawladda Soomaaliya kor ugu qaadayso Badqabka Bulshada Soomaaliyeed laguna wiiqayo Argagixisada Shabaab.
Howalgalkaan waxaa lagu dilay Lix Shabaab ah mana jirto qasaare gaaray Shacabka.
Dawladda iyo Saaxiibadeed weey sii wadayaan Dagaalka Ka dhanka ah Alshabaab oo ah Cadaw utaagan Dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed waana loogu gali doonaan God kasta oo ay isku qarinayaan.