Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed kasoo saartay arrinta Balad Xaawo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Danta guud ee Dalka halaga hormariyo danta gaarka ah (FAALLO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warsaxaafadeed looga hadlayey arinta degmada Balad Xaawo oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Islamarkaana nuqul kamid ah uu soo gaaray Warbaahinta Qaranka ayaa u qornaa sidaan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ilaalinaysa danta ummadda Soomaaliyeed, dhowreysana deris wanaaga, isu furnaanshaha ganacsiga, isu socodka dadka walaalaha ah ee Beledxaawo iyo Mandheera degan , waxay dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan, dadka degan Beled Xaawo gaar ahaan, la socodsiinaysaa arrimaha soo socda:

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

1- In Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” seddex xilli oo kala duwan kala hadlay Madaxweynaha Kenya H.E. Mr. Uhuru Kenyatta arrinta ku saabsan derbiga laga dhisaayo inta u dhexeysa Beled Xaawo iyo Mandheera.

Wadahadalka labada Madaxweyne ayaa ku kala beegnaa xilliyada hoose ku xusan:

  • March 22, 2017, Booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay magaalada Nairobi, kulana kulmay dhiggiisa Kenya.
  • March 22, 2018, labada Madaxweyne waxa ay ku wada hadleen khadka isgaarsiinta.
  • March 24, 2018, labada Madaxweyne waxa ay markale ku wada hadleen khadka isgaarsiinta.

2- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay isku afgarteen in derbiga dhisiddiisa la joojiyo.

3- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay isku afgarteen in la sameeyo guddi wadaag ah oo labada dhinac ah ayna kala hoggaamin doonaan guddoomiyeyaasha labada gobol ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u taagan tahay ilaalinta danta ummadda Soomaaliyeed iyo deris wanaag ku dhisan xushmad dhaafsi.

 

 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Gantaallo Xuutiyiinta Yemen ay ku rideen Sacuudiga

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo kulan laqaatay Hay’adaha Ka hawlgala deegaannada Puntland “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo kulan laqaatay Hay’adaha Ka hawlgala deegaannada Puntland “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo kulan laqaatay Hay’adaha Ka hawlgala deegaannada Puntland "SAWIRRO"

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In