Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed kasoo saartay arrinta Balad Xaawo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Danta guud ee Dalka halaga hormariyo danta gaarka ah (FAALLO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warsaxaafadeed looga hadlayey arinta degmada Balad Xaawo oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Islamarkaana nuqul kamid ah uu soo gaaray Warbaahinta Qaranka ayaa u qornaa sidaan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ilaalinaysa danta ummadda Soomaaliyeed, dhowreysana deris wanaaga, isu furnaanshaha ganacsiga, isu socodka dadka walaalaha ah ee Beledxaawo iyo Mandheera degan , waxay dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan, dadka degan Beled Xaawo gaar ahaan, la socodsiinaysaa arrimaha soo socda:

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025

1- In Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” seddex xilli oo kala duwan kala hadlay Madaxweynaha Kenya H.E. Mr. Uhuru Kenyatta arrinta ku saabsan derbiga laga dhisaayo inta u dhexeysa Beled Xaawo iyo Mandheera.

Wadahadalka labada Madaxweyne ayaa ku kala beegnaa xilliyada hoose ku xusan:

  • March 22, 2017, Booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay magaalada Nairobi, kulana kulmay dhiggiisa Kenya.
  • March 22, 2018, labada Madaxweyne waxa ay ku wada hadleen khadka isgaarsiinta.
  • March 24, 2018, labada Madaxweyne waxa ay markale ku wada hadleen khadka isgaarsiinta.

2- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay isku afgarteen in derbiga dhisiddiisa la joojiyo.

3- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay isku afgarteen in la sameeyo guddi wadaag ah oo labada dhinac ah ayna kala hoggaamin doonaan guddoomiyeyaasha labada gobol ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u taagan tahay ilaalinta danta ummadda Soomaaliyeed iyo deris wanaag ku dhisan xushmad dhaafsi.

 

 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Gantaallo Xuutiyiinta Yemen ay ku rideen Sacuudiga

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo kulan laqaatay Hay’adaha Ka hawlgala deegaannada Puntland “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo kulan laqaatay Hay’adaha Ka hawlgala deegaannada Puntland “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo kulan laqaatay Hay’adaha Ka hawlgala deegaannada Puntland "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay ururrada siyaasadda ee u tartamaya...

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In