Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliyeed oo ka shaqeyneysa sidii loogu gurman lahaa dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarkii naftii halignimada ahaa ee ka dhacay degmada Howlwadaag

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliyeed oo ka shaqeyneysa sidii loogu gurman lahaa dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarkii naftii halignimada ahaa ee ka dhacay degmada Howlwadaag
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq oo shir jiraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay weerar naftii halignimo ah oo barqadii maanta Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ay ka geysteen degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

 

Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay Falkii guracanaa ee argagixisada Al-Shabaab maanta la beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid (Beytka Allaah) iyo Xarunta degmada Howlwadaag oo ah goob Bulshada loogu adeego.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun,Dowladda Soomaaliyeed waxay ka tacsiyadeyneysaa Falkii guracanaa ee Ururka argagixisada Al-Shabaab maanta ay ku beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid iyo xarun Bulshada loogu adeego,xaqiiqdii ficilkaasi wuxuu tusaale u yahay siday uga go’aan tahay argagixisada Al-Shabaab dabar goynta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Sidoo kale,Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya wuxuu tilmaamay in laamaha amaanka ay hadda ku howlan yihiin tirakoobka dadkii waxyeelada ka soo gaartay Weerarka Wuxuushnimada ah Argixisada Al-Shabaab ka geysteen xarunta degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir,islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan warbaahinta ugu soo bandhigi doonaan tirada saxda ah ee waxyeeloowday.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo Laamaha ammaanka hadda waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ahaa sidii loo heli lahaa dadkii halkaasi ku waxyeeloobay halka ay masiibada ka dhacday waxay ahayd Duqsi Qur’aan dhannoo dumay iyo Masaajid dumay,hadda aan idin la hadlayo laamaha ammaanka iyo Saraakiisha caafimaadka waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ah sidii loo soo saari lahaa, sida ugu dhaqsiyaha badana waan idinkula soo wadaagi doonaa Hadduu Illaah yiraahdo,”

Dhanka kale,Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka shaqeyneyso sidii cadaada ahayd dhisida Masjidka dumay si loogu tukado salaadda Xigta,looguna gurman lahaa ardayda Dugsi Qur’aanka ee Qaraxa ku waxyeeloobay,wuxuuna carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliyeed Cisbitaal ay geysay dadkii Weerarka bahalnimada ah ku dhaawacmay.

Ugu danbeyntii, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta,Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iney u midoobaan baabi’inta Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab,maadama iyaguba aanay u tureen dadka shacabka ah,islamarkaana haatan bilaabay iney ku beegsadaan goobaha cibaadada Alle (Masaajid) iyo waliba Dusgiyda Qur’aanka Kariimka lagu barto.

Al-shabaab ayaa caadeystay geysashada falalka lagu bartilmaameedsanayo dadka shacabka ah, iyadoo la wada xusuusto weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee dhacay 14-kii October ee sanadkii hore.

Previous Post

R/wasaare Kheyre oo Baydhabo kaga qeyb galay Aas Qaran oo loo sameeyay Marxuumad Haajira Cali Aadan+Sawirro

Next Post

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Afar Alshabaab ah oo midi  haween tahay

Next Post
Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Afar Alshabaab ah oo midi  haween tahay

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Afar Alshabaab ah oo midi  haween tahay

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan...

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey'adda Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan ahayn mid ku kooban hal hay’ad oo keliya...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed...

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In