Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaliya oo war ka soo saartay warbixintii Amnesty International ee xoriyadda hadalka

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay oo nuqul kamid ahna uu soo gaaray Wakaaladda wararaka (SONNA) si kulul uga hadashey warbixin ay soo saartay Hay’adda Amnesty International oo ku saabsanaa in ay jiraan xadgudubyo ka dhan ah xoriyadda hadalka ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga warqabto mas’uuliyadeheeda ee ku aadan xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaa ina soo gaaray qoraal ka soo baxay Hay’adda Amnesty International,oo ka hadlaya arrimo la xiriira xadgudub ka dhan ah xoriyadda hadalka,dowladda Soomaaliya waxay si buuxda uga warqabtaa mas’uuliyadeheeda ee ku aadan in xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed”. ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan ay soo saartay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warbixinta Amnesty ay tahay mid la buun-buuniyay iyo been abuur,iyadoo xustay in ay tahay qorshe magan geliyo raadis dadal reer Yurub iyo dano kale oo gaar ah oo laga leeyahaya.

Sidoo kale ma jiraan cadeymo loo haayo in eedeynta loo jeedinayo dowladda Soomaaliya ee ah xadgudbyada suxufiyiinta,balse arrintan ay u muuqato arrin la siyaasadeeyay,oo ahdaaf gaar ah laga damacsanaa,sidaasi darteedina ay dowladdu si adag u beeninayso warkaasi ay soo saartay Amnesty International.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xustay in ay xaqiijinayso xoriyadda iyo xuquuqda uu leeyahay muwaadin kasta,isla markaana ay qeyb ka tahay xoriyadda saxaafadda,waxaana ay dowladdu intaasi ku dartay in dalka uu mamnuuc ka yahay ficilkasta oo dhaawici kara xuquuqda muwaadinka iyo xoriyatul qowlka.

 

Previous Post

Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo Bankiga Aduunka oo Shir uga furay Magaaladda Nayroobi “Sawirro”

Next Post

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay guddiga maamulka Banggiga Dhexe ee Soomaalia

Next Post
Waa kuma Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe?

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay guddiga maamulka Banggiga Dhexe ee Soomaalia

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In