Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Turkiga oo tababarro siinaysa Boliiska Kenya

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Turkiga oo tababarro siinaysa Boliiska Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dowladda Turkiga ayaa qorshaynaysa inay tababar dhinacyo badan leh siiso Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Kenya, sida laga soo xigtay masuul ka tirsan hay’adda Samafalka Turkiga ee TIKA.

Saraakiishan oo aan tiradood la shaacin ayaa loo carbinayaa la dagaallanka dembiyada cul-culus iyo kooxaha argagixisada.

Wafdi Saraakiil ah oo ka socda Dowladda Turkiga ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska Dalka Kenya, kuwaasoo ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa mashruucan tababarka ah.

Wafdigan Turkiga ah ayaa Kenya joogi doona Afar Cisho, wxanay kormeer iyo u kuurgal ku samayn doonaan Dugsiga uu tababarku ka dhacayo iyo baahiyaha horumarineed ee halkaasi ka jira.

Bayaan ay soo saartay hay’adda Tika ayaa lagu sheegay inuu tababarkani yahay mid Caalami ah, kaasoo lagu bininayo koorsooyinka aasaasiga ah ee howlaha sirdoonka, marista Waddooyinka , la dagaallanka argagixisada,difaacidda falalka abaabulan, toogashada farsamaysan , xatooyada Baabuurta, ilaalinta madaxda, tababarka Booliiska, la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, ka gorgortanka Dadka la haysto, ilaalinta goobaha muhiimka ah iyo dambiyada ka dhaca internetka.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa ugu mahadceliyay Dadka iyo xukuumadda Turkiga, taakulaynta ay la garab taagan tahay Dowladdooda, gaar ahaan marka ay jiraan howlaha lagula tacaalayo falalka dembiyada ah ee ay geystaan kooxaha gacan saarka la leh Al-Qaacidda sida Al-shabaab.

Hay’adda TIKA ee laga leeyahay Dalka Turkiga ayaa sidoo kale howlo Samafal ah ka wadda Dalka Soomaaliya, taasoo wax badan ka qabatay arrimaha Bini’aaddannimada iyo wax barashada.

Isha/Anadolu

Previous Post

Golaha Shacabka oo maanta soo geba gebeynaya dhageysiga khudbadaha musharixiinta doonaya xilka guddoomiyaha

Next Post

Wasiir Beyle” haddaan Gacmaha is qabsano guul intaan ka weyn ayaan gaari doonnaa”+Sawirro

Next Post
Wasiir Beyle” haddaan Gacmaha is qabsano guul intaan ka weyn ayaan gaari doonnaa”+Sawirro

Wasiir Beyle” haddaan Gacmaha is qabsano guul intaan ka weyn ayaan gaari doonnaa”+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In