Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Turkiya oo Gacan ka Gaysanaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Badda Soomaaliya

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Turkiya oo Gacan ka Gaysanaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Badda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay oo ay kamid ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka, Badda iyo Cirka ee dalkaas oo muddo labo maalmood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa galabta dib ugu laabtay dalkooda keddib wada hadallo miro dhal ah oo ay la yeesheen madaxda qaranka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay Muqdisho ku sugnaayeen waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna wada hadallo labo dhinacle ah la yeesheen Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay wada hadalladaas ayaa waxaa kamid ahaa in Dowladda Turkiya ay sii xoojinayso dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiirka Difaaca Turkiya ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar laโ€™aaneed la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay Dowladda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada.

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdiga la socday booqashada ay Soomaaliya ku yimaadeen iyo sida ay u muujiyeen in ay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
Previous Post

Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga oo kormeeray Xarunta tababarada ee Turkisom

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo goor-dhow gaaray Ethiopia

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo goor-dhow gaaray Ethiopia

Madaxweynaha Soomaaliya oo goor-dhow gaaray Ethiopia

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In