Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Prof. Dufle “Qatarta sigaarka iyo waxyeelada caafimaadka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 1, 2015
in Wararka
0
Prof. Dufle “Qatarta sigaarka iyo waxyeelada caafimaadka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 22  

QATARTA SIGAARKA IYO WAXYEELADA CAAFIMAADKA

Related posts

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025

            Ban tobacco advertising, promotion and sponsorship.

55

31 Maajo 2015 oo ah waa maalinta loo asteeyey joojinta cabista sigaarka ee caalamka, taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka lagu wacyigeliyo khatarta uu leeyahay ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa uu Dr Dufle uga digay qatarta sigaarka.

Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaasoo dhanba waa khatar haba ku kala badnaadeene.

Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.45 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Ku dhawaad Hal bilyan (80%) waxay ku nool yihiin waddamada soo koraya.

Cabista sigaarka wuxuu ku badan yahay ragga qiyaastii shan jeer in ka badan haweenka.

Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 6 milyan oo qof, in ka badan 5 milyan waa dadka caba sigaarka iyo kuwii horey u cabi jiray, halka 600,000 ay yihiin dadka aan cabin sigaarka.

hh

Cabista sigaarka waxaa la socda 12 maaddo oo kiimiko ah oo dhalin kara cudurka kansarka. Waxaana ka mid ah maaddada (Tar, Arsenic , benzene , formaldehyde, carbon monoxide iyo amooniyo ) waxaa kalow ku jira maadada Nicotin-ka oo sababa in la qabatimo sigaarka  jir ahaan iyo maskax ahaan.

Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo.

Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo iney is yaraan karto.

CABISTA SIGAARKA IYO SAAMEYNTA CAAFIMAADKA UU KU LEEYAHAY

Cabista sigaarka wuxuu sababaa 25 cudur waxaa ka mid ah kuwa  ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema), Chronic Bronchites; wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xameytida, Xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma la’aanta ragga iyo haweenka.

Wuxuu kaloo caawiyaa  cudurka gastritis wuxuuna badiyaa  laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo dahiyaa bogsashadda boog calooleydka (Peptic Ulcer).

Sidoo kale  haweenka caba sigaarka ee da’doodu ka weyn tahay 40 sanno wuxuu u keeni karaa in si sahlan ay ku  jabaan marka loo fiiriyo kuwa aan sigaarka cabin.

Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen.

Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death).

Dhalinyarada da’dooda ka yartay 20 sanno, waxey 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay  20 sanno dhinaca dhimashada daga daga ah.

Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisa kacsan tahay.

Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa Aragga Indhaha ,Maqalka dhagaha iyo Maqaarka sidoo kale wuxuu wax yeelo u geystaa dibnaha, ciridka iyo ilkaha.

Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag dhow meesha lagu cabayo (second-hand smoke) oo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkiisa lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%.

Bulshada Soomaaliyeed 20kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kalow kor dhay kuwa dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn kuwaasoo ku keeni karaya mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka.

BAAQ

Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney ka fogaadaan cabista sigaarka bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo, khatartii caafimaadka ee aan kor ku soo xusnayna uu keenayo.

Wa-billaahi-tawfiiq

Prof./Dr. Cusmaan M. Dufle

Previous Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan xadka Galgaduud iyo Ethiopia

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In