Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo 24-kii saac ee igu dambeeyay ku mashquulsanaa xal u helida saameeynta uu Roobka u geestay bilicda iyo isku socodka Wadooyinka magaalada ayaa galabta booqday Warta Tumbuluq ee degmada Xamar Weyne iyo goobaha loogu talagalay Biyamareenada.
Duqa Caasimadda ayaa faray howlwadeennada shaqada ku leh bilic soo celinta Caasimadda inay si deg deg ah wax uga qabtaan biyaha dhex ceegaaga waddooyinka Muqdisho, loona helo xal ah goobihii biyo mareenada ah ee biyaha badda ku dari jiray.
“Xilligan waa xilligii xagaaga ah, runtii roobku waxa uu buux dhaafiyay meelo badan oo ka mid ah waddooyinka Muqdisho, sidoo kale Warihii aan biyaha ugu talagalnay ayaa buuxsantahay, waxana loo baahanyahay in xal loo helo maareeynta biyaha oo aan iminka ku guda jiro, waxaana kormeer ku maray goobo badan, waxaan wadnaa dadaal ah in biyaha looga saaro goobihii aan horey u dhisnay, runtii roobabkuna waa kuwa xoog badan”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay in bulshada degan goobaha u dhaw waraha biyaha loogu talagalay inay ka guuraan, maadaam aya dhici karto in maalmaha soo socda uu roobku sii xoogeysto, Maamulkana uu ku howlanyahay xal u helidda biyaha fadhiya waddooyinka Muqdisho., isagoo Maamulada Degmooyinka faray inay samata bixiyaan dadka danyarta ah ee uu saameeyay Roobabka.