Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Caasimadda oo ka qeybgalay munasabada xuska 10-sano guuraddii Saaxibtinimo  ee Soomaaliya iyo Turkiya “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Duqa Caasimadda oo ka qeybgalay munasabada xuska 10-sano guuraddii Saaxibtinimo  ee Soomaaliya iyo Turkiya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeybgalay xuska 10-sano Guurada Dib-u-nooleynta Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Saaxibtinimo Waarta ee Soomaaliya iyo Turkiya, taasi oo ku beegan 18-08-2011 Markii uu dalka Soomaaliya Yimid Ra’iisul Wasaarihii Dalka Turkiya hadana ah Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.

Related posts

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026

Munaasabadaan oo ay kasoo qeybgaleen Madax kala gedisan oo ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu sareeyay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidanka, Danjireyaal, Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Turkiya iyo Marti Sharaf kale ayaa aheyd mid loogu Mahadcelinayay Dowladda walaalaha aynu nahay ee Turkiya, isla markaana lagu xasuusanayay waqtigii adkeyd oo uu Madaxweyne Erdogan yimid dalka Soomaaliya.

“Turkiya waxa ayna dareensiiyeen dareen dhab ah oo walaaltinimo oo aan marnaba la ilaawi karin, waxa ay aduunka tuseen in Soomaaliya la gar-gaari karo, lana maalgeshan karo, mana jirto Matal lala meel dhigi karo Dowladda Turkiya” Ayuu yiri Mudane Cumar Filish.

Duqa Muqdisho ayaa kaga Mahadceliyay Dowladda Turkiya gacanta ay ka geysteen dib-u-dhiska Caasimada Muqdisho, Wax ka qabashada Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga, Maalgeshiga iyo Shaqo Abuurka, Asigoona xusay in quluubta Soomaaliya aysan ilaawi doonin Wax-qabadkaasi Muuqda oo ay Dowladda Turkiya ka hirgeliyeen Caasimada Muqdisho.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo Shir-Guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  oo soo gaaray Magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed  oo soo gaaray Magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  oo soo gaaray Magaalada Muqdisho "SAWIRRO"

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In