Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madax ka socota hay’adda UNOPS

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
11 months ago
in Wararka
0
Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madax ka socota hay’adda UNOPS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa maanta aqalka dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay madaxda hay’adda UNOPS, Hydra Nova, iyo madaxda xafiiska Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Mashruuca Nagaad, kaas oo lagu horumarinayo kaabayaasha Muqdisho.

Kulankaas, hay’adda UNOPS, Hydra Nova, iyo Agaasimaha howlaha guud ayaa soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku saabsan sahminta iyo daraasadaha laga soo sameeyay sidii xal waara loogu heli lahaa biya-mareenada Muqdisho. Waxa kale oo la soo bandhigay qorsheyaasha dhameystirka naqshadda biya-mareennada (Masterplan for Trunk Drainages), oo lixdan cisho gudahooda lagu soo dhameystirayo, iyo qorshaha lagu dhisayo waddooyin cusub oo laami ah, heshiisyada dhismihiisana bartamaha bisha February la saxiixi doono.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Mudane Maxamed Axmed Amiir, Duqa Muqdisho, ayaa si xooggan ugu nuux-nuuxsaday muhiimada ay leedahay dar-dargelinta qorshaha lagu dhisayo biya-mareennada caasimadda, si xal waara looga helo dhibaatooyinka biyo-maalinta ee soo wajaha Muqdisho xilliga roobaadka. Waxa uu sidoo kale faray madaxda howlaha guud iyo hay’adaha ku lugta leh in si degdeg ah loo bilaabo dhisamaha biya-mareennada magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in mashruucan uu muhiim u yahay sidii looga hortagi lahaa fatahaadaha biyaha ee caasimadda iyo sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha lagama maarmaanka u ah horumarinta magaalada Muqdisho.

Previous Post

Guddoomiyaha BJFS oo saxiixay Buugga tacsida Marxuum Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur

Next Post

Golaha Wasiirrada oo meel-mariiyeen Qaraar looga hortagayo khataraha Baraha bulshada

Next Post
Golaha Wasiirrada oo meel-mariiyeen Qaraar looga hortagayo khataraha Baraha bulshada

Golaha Wasiirrada oo meel-mariiyeen Qaraar looga hortagayo khataraha Baraha bulshada

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In