Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Caasimadda oo Magacaabay Guddi ka shaqeeyn doono Xuska Todobaadka Xorriyadda

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Duqa Caasimadda oo Magacaabay Guddi ka shaqeeyn doono Xuska Todobaadka Xorriyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya ee 26 june iyo 1 da Luulyo, kaasoo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Laamaha Amaanka ee Qeybta Guud Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Shirkaan ayaa waxa uu ahaa mid uu Duqa Magaalada Muqdisho ku farayay Madaxda Maamulada iyo Saraakiisha laamaha Amniga sidii ay ugu diyaar garoowi lahaayeen Xuska Maalmaha Qaran ee 26 June iyo 1 da Luulyo, isla Markaana loo wacyigelin lahaa Bulshada ku dhaqan Caasimada lana gaarsiin lahaa fariinta Duqa Magaalada ee ah in laga wada qeyb-qaato xuska Todobaadka Xorriyadda iyadoo la fulinayo Awaamiirta Maamulka Gobolka Banaadir ee ah in Astaanta Qaranka la suro Guryaha iyo Goobaha Ganacsi ee saaran Wadooyinka waaweyn ee Magaalada iyo sidoo kale in laga wada shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimada.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magacaabay Guddi Heer Gobol oo isugu jira Guddoonka Maamulka Gobolka, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayna hogaamineyso Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) kuwaasi oo ka shaqeyn donna Xuska Todobaadka Xorriyadda, isla markaana la fal-geli donna Guddiga Heer Qaran ee Xuska Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya.

 

Previous Post

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Horumarka iyo Dawladnimada Geeska Africa

Next Post

Wasaaradda Beeraha XFS oo tababar u qabatay haweenka Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Beeraha XFS oo tababar u qabatay haweenka Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Wasaaradda Beeraha XFS oo tababar u qabatay haweenka Gobalka Banaadir "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In