Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan, ayaa Maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5aad ee Golaha deegaanka Degmada kulankiisii koowaad kaas oo ka qabsoomay Xarunta Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo.
Kalfadhigaan, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi, Xoghayaha Dowladda Hoose, Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.Kalfadhiga waxaa diiradda lugu saaray lana soo jeediyay Ajandayaal dhowr ah isla markaana ay ka mid ahaayeen Miisaaniyad sanadeedka 2023_2024 ee Xeerka ganacsiga.
Ugu dambayn Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, ayaa ugu danbeeyn Cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyay Ajandayaashii maanta la horkeenay kalfadhiga.