Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta xiriirka labada dhinac “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta xiriirka labada dhinac “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire la yeeshay kulan ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa Gobolka Benaadir iyo AMISOM.

Kulankan oo ka dhacay xarunta dawladda Hoose ee (Xamar) ayuu Guddoomiye Yarisow ku ammaanay Midowga Afrika doorka ay ka ciyaartay horumarka iyo ammaanka Caasimadda. Waxaa kaloo intii uu kulanku socday lagaga hadlay ka bixitaanka AMISOM ee Stadium Muqdisho oo dhallinyaradu u baahan tahay, si loogu qabto ciyaaraha gobollada ee soo socda.

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo xubin ka ah Golaha Amniga Qaran ayaa AMISOM ka codsaday in la dardargeliyo howlgallada xoreynta labada Shabeelle taas oo muhiim u ah xasilloonida amniga Caasimadda.

“Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM waxay naftooda u hurayaan inay nabadda iyo noloshii caadiga ahayd dib ugu soo celiyaan dalka, waana uga mahadcelinaynaa kaalintooda muhiimka ah, kulankanna waxuu dhabaha u xaarayaa in aan si wadajir uga shaqeyno amniga iyo horumarka magaalada Caasimadda ah oo ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii dagaalladu reebeen”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Benaadir si ay gacan uga geystaan dardargelinta hannaanka xasilinta iyo in dalka dib looga hirgeliyo nabad waarta iyo amni.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay guulo ka gaartay soo deynta Maxaabiista ku xiran Caalamka

Next Post

Ra’iisul Wasaaradaha XFS mudane Xasan Cali Khayre oo xalay kormeeray Degmooyinka Dayniile iyo Hodan

Next Post
Ra’iisul Wasaaradaha XFS mudane Xasan Cali Khayre oo xalay kormeeray Degmooyinka Dayniile iyo Hodan

Ra'iisul Wasaaradaha XFS mudane Xasan Cali Khayre oo xalay kormeeray Degmooyinka Dayniile iyo Hodan

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In