Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho iyo Wasiirka qorsheynta oo ka wada hadlay qorshaha Horumarinta Qaranka+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho iyo Wasiirka qorsheynta oo ka wada hadlay qorshaha Horumarinta Qaranka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Qorsheynt Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan waxayna ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa is waafajinta qorshaha Horumarinta Qaranka iyo qorshaha horumarinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Qorshaha Horumarinta Qaranka oo socon doona 2020-2024 ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dawliga , hirgelinta nidaam loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga.

Eng. Yarisow ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka arrimaha u qorsheysan Maamulka Gobolka ee la xiriira horumarinta Caasimadda, isagoo xusay baahida loo qabo in la yeesho qorshe isku xiran oo hagaya mashaariicda la qorsheynayo in la fuliyo.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Qorsheynta ka talo galinta bulshada qeybaheeda kala duwan ee Qorshaha Horumarinta Qaranka. Iyadoo labada dhinac isku raaceen in laga wada shaqeeyo is-waafajinta qorshaha Horumarinta Qaranka iyo qorsheyaasha horumarinta Gobolka Banaadir u dagsan.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Wasaaradda Qorsheynta iskaashiga lagu xoojinayo wada shaqaynta naga dhaxeysa, waxaana kulankeenna iskula soo qaadnay sidii la isku waafajin lahaa qorshaha horumarinta Qaranka iyo Qorshayaasha Horumarineed ee u dagsan Gobolka iyo sidii bulshada loogala tashan lahaa qorshahan oo muhiimad weyn u leh horumarka Caasimadda, kuna saleysan barnaamijka afarta tubood ee Dawladda”.

Wasiirka Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay la leeyihiin wada-shaqayn horseedeysa in si buuxda looga wada shaqeeyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka oo ku saleysan afarta Tubood ee Xukuumadda F.S. ku shaqayso.

Previous Post

Shir ku saabsan siyaasadda iyo sharciga waraabka Qaranka oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La kulmay Xildhibaan Pekka Haavisto “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La kulmay Xildhibaan Pekka Haavisto “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La kulmay Xildhibaan Pekka Haavisto "SAWIRRO"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In