Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo amray in lagu banneeyo muddo labo asbuuc ah Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo amray in lagu banneeyo muddo labo asbuuc ah Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in muddo labo asbuuc ah lagu banneeyo Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku yaalla degmada Shibis, si dib loogu dhiso, looguna adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horey digniino loogu diray dadka dagan xarunta Machadka, iyadoo la farayo in muddada labada todobaad ah ee loo qabtay lagu banneeyo, maadaama ay Wasaaradda Boostadu u baahan tahay, looguna shaqeynayo Qaranka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la gaaray waqtigii horumarinta bilicda Caasimadda, bulshadana looga baahan yahay in ay qaataan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, isagoo xusay in xaruntan ay soo saari jirtay aqoonyahanada Isgaarsiinta Soomaaliyeed, xiligan oo dalku dib u soo kabanayana ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso goobihii xirfadaha kala duwan lagu baran jiray.

“Soomaaliya maanta waxay joogtaa waqtigii isla xisaabtanka, bacdamaa aan doonayo in Caasimadda loo soo celiyo bilicdeeda iyo sidii bari-samaadkii ahaan jirtey, waxaa waajib naga wada saaran dib-u-dhiska xarumaha danta guud, si bulshada loogu adeego, qofna loogu dulqaadan doono in goobihii danta guud uu deegaan gaar u ah ka dhigto”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirkaa Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa kormeeray xarunta Machadka, waxana ay sheegeen in dhowaan dib loo dhisayo xarunta.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Horjoogeyaal sare oo ka tiran Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidammada Dowladda

Next Post

Ciidammada DANAB oo raashiin ka qeybiyey Sabiid iyo Caanoole “SAWIRRO”

Next Post
Ciidammada DANAB oo raashiin ka qeybiyey Sabiid iyo Caanoole “SAWIRRO”

Ciidammada DANAB oo raashiin ka qeybiyey Sabiid iyo Caanoole "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In