Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa maanta xaruntiisa ku booqday Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale (Xabeeb) oo maalmahaan xanuun dhanka maskaxda ah la dalaa dhacaayay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa Dr. Xabeeb” Waxaan kugu amaanayaa dadaalka iyo juhdiga aad ku bixisay in aad xaruntaada ku daweyso boqolaal Soomaaliyeed oo ah,Dadka xanuunka dhimirka la il-daran”. Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale ” Waxaan gacan weyn ka geysan doonaa sidii uu Dr. Xabeeb u heli lahaa daryeel Caafimaad,Maadama maanta asiga bukaan yahay Culeesbadan uu ka haayay dadka Soomaaliyeed”
Dr.Xabeeb ayaa ahaa dhaqtar daweeya Xanuunada ku dhaca dhimirka,Waxa uuna xanaanno iyo Dawo isugu darijiryay boqolaal shacabka Soomaaliyeed ah oo ku sugan goobtiisa.