Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, kadib kulan gaar ah oo xarunta Dawladda Hoose ee Xamar ku dhex maray Guddoomiye Yarisow iyo Safiirka Jamhuuriyadda DJabuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan.

Mudane Cabdiraxmaan Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo laga duulayo xiriirka soo jiraanka ah ee ka dhexeeya labada dalka ee walaalaha ah in dhowaan ay booqasho ku imaan doonto Muqdisho Duqa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, booqashadan ayaana sii xoojin doonta xiriirka iyo wada shaqeynta labada Caasimadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Dalka Djibuti kaalin mug leh ayuu ku leeyahay horumarka ballaaran ee ay higsanayaan ummadda Soomaaliyeed. Muqdisho waxaa dhowaan noogu imaan doonta Duqa Caasimadda Jabuti oo booqashadeedu sii xoojin doonto xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada Caasimadood ka dhexeeya”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng Yarisow.

Safiirka Jamhuuriyadda DJabuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan waxa uu guddoomiyaha uga mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, isagoo tilmaamay in Muqdisho u tahay meel kamid ah dhulkiisa, isla markaana uu kala shaqeynayo maamulka gobolka Benaadir horumarinta Caasimadda.

Previous Post

200 Arday oo Imtixaan u galay Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka+Sawirro

Next Post

Shirka Amniga Qaranka oo Maalintii Labaad Muqdisho ka socda

Next Post
Shirka Amniga Qaranka oo Maalintii Labaad Muqdisho ka socda

Shirka Amniga Qaranka oo Maalintii Labaad Muqdisho ka socda

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In